Colaadda Biyaha Niilka iyo Saamaynta Geeska Afrika (Baadhitaan SaxaafadeedXog-Ururin) Waa Qallinkii Xasan Cumar Hoori
Hargaysa 20.june (SDN) Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay Cirka isku sii Shareertay Qadiyada ku Wajahan ka faa’iidaysiga Itoobiya ee Biyaha Webiga Niil taas oo Keentay in Dawlada Masar oo Si weyn ugu Xidhan Biyaha Webiga Niil ay ka soo Yeedho Hadalo Colaadeed oo ay Ku Muujinayso sida aanay Raalida uga ahayn in Dhibic ka Mid ah Biyaha Niil Cid kale ay isticimaasho taas oo ay Cadeeyeen inay Geeri ka Xigaan .
Hadaba waxaan halkan idiinku Soo Gudbinaynaaa Macluumad ku aadan Qadiyada Webiga Niil oo uu Soo Uruuriyay Xasan Cumar Hoori oo ah suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga DhexeWaxaa laga sii digayaa burbur hor leh oo ku soo fool leh Afrika. Dunida waxaa soo wajahay cunto-yaraan. Waxaa cirka isku shareeray qiimaha cuntada. Waxaana gabaabsi sii ah raashin dheeraad ah oo loo raro dalal kale.
Dhinaca kale dalalka hodonka ah ayaa u hanqal-taagaya dhulka carro-sanka ah ee Afrika si ay uga beeraan midhaha looga baahan yahay dalalkooda sida gallay, sarreen iyo bariis.
Koonfurta kuuriya waxay soo waaridaa 70% raashinka ay cunaan. Dhowaanna waxaa ay 1.7 malyuun qooddi (acre) ka kiraysteen Suudaan si ay ugu beeraan sareenka dalkooda looga baahan yahay. Sucuudigu, isaguna, waxaa uu 25,000 qooddi (acre) ka qaatay Itoobiya si loogu abuuro bariis. Hindiduna, isla Itoobiya, waxaa ay ka ijaarteen dhowr boqol oo kun oo qooddi (acre) si ay uga beeraan gallay iyo bariis. Sidoo kale, Shiinaha ayaa dhul ballaadhan ka qaatay dalalka Kongo iyo Zambia si ay ugu abuuraan dhirta laga soo miiro tamarta shidaalka.
Dhulkaa shisheeyahu maal-gashaday waxaa uu halis weyn ugu muuqdaa dalka Masar oo markiisa horeba la luudayay kacdoon, xasilooni-darro, shaqo la’aan iyo wax-soo-saar xumo.
Masar waxay soo dejiyaan sarreenka ugu tiro badan dunida. Sannad kasta, waxaa laga cunaa in ka badan 18 malyuun oo ton. Sarreenkaa inta badan waxaa laga soo waaridaa dibedda. Weliba, xukuumaddu waxaa ay sannad kasta ku kabtaa lacag ka badan 2,000 malyuun oo dollar. Haddaba dadka oo boqolkiiba lixdan (60%) danayar yahiin waxaa noloshoodu ku tiirsan tahay ceeshka jaban ee laga farsameeyo sarreenka.
Sidaa darteed, xukuumadda Masar waxaa ay ka cabanaysaa qodaalka Itoobiya iyo Suudaan oo iyagu gacanta ku haya 75% ilaha uu ka soo burqado kuna faafo webiga Niilku. Run ahaantii, Masar waxaa ka taagan kacdoon aan weli sal-dhiggan. Waxaa cidhiidhi sii galay sidii miiska cuntada loo soo saari lahaa ceeshka. Ogow, haddii ceeshka la waayo waxaa hubaal ah in la waayi doono Masar, dawlad, dad iyo dalba.
Arki-Jire Doon
Dhibaatada waxaa sii ragaadinaya aragtida xukuumadda Masar oo aaminsan in lagu dhaqmo heshiis 1959 dhexmaray dalkeeda iyo Suudaan taasoo lagu heshiiyay 75% biyaha Niilka in lagu faruuro dalka Masar halka 25% loo qoondeeyay Suudaan. Xilligaa, labada dal waxba iskaga ma tirinayn Itoobiya iyo dalalka Afrikaanka ee Niilku ka soo rogmado. Dhammaan dalakaasi waxay ganafku ku dhufteen heshiiskaas oo aan iyaga waxba ka khusayn.
Sidaa darteed, Masaarido, waxaa ay raadinayaan waxii ay arki jireen (arki-jire doon), balse, waxaa ka maqan xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ah ee maanta hortooda taalla. Aragtidaa gurracan waxaa la wadaaga, garabna u ah Xamar iyo Madaxweyne Xassan Shiikh iyadoo la wada og yahay itaal-xumada xukuumadiisa maganta u ah ciidamada Amisom oo ay laf-dhabar u tahay Itoobiya. Habeen ma jirto xukuumadda duulanka la ah Masar ee maanta ku hamiyaysa in ay dalka ka saaraan ciidamada Kenya iyo itoobiya.
Qoraal 26/01/1998 Allah ha u naxariistee, Madaxweyne Maxamed X. Ibraahim Cigaal uu u diray madaxda urur goboleedka IGAD ayaa marxuumku, isaga oo ka soo xiganayay warbaahinta Masar, waxaa uu ku sheegay inay Masar soo faro-gelisay arrimaha Somaaliya. Dulucda Faro-gelinta waxay ahayd in ay Baydhabo ku heshiisiiyaan qabqablayaasha dagaalka ee Somaaliya. Balse, ujeedada cad ee Masar waxaa ay ahayd heshiiska ka dib in ay hubeeyaan jabhadaha ka dibna si wadajir ah loogu duulo Somaaliland. Madaxweyne Cigaal qoraalkiisa waxaa uu ku sheegay Masar inay ku hawlan tahay colaad iyo dagaal ka dhex qarxa Somaaliya iyo Somaaliland. Runtii, waxaa. mar kale, muuqata Xamar iyo Qaahira inay dib u soo nooleeyeen rayidii dharaarta cad si loo wiiqo Itoobiya iydoo loo sii marayo burburinta Hargeysa.
Haddab, Masarida waxaa la gudboon, ugu horrayn, in ay indhaha ku kala qaadaan inay marti u yahiin 83 malyuun oo Itoobiyaan ah iyo 44 malyuun oo Suudaan ah kuwaasoo intii ay ka welweli lahaayeen halkii wax looga heli lahaa 81 malyuun oo Masaari ah uu xil ka saran yahay quudinta dadkooda. Isku darka tirokoobka saddex dal (Itoobiyaq, Suudaan iyo Masar) hadda, waxaa uu dhan yahay 208 malyuun. Hase ahaatee, Qaramada Midoobay (U.N) waxaa ay sii odoroseen 2025ka inuu kor u dhaafi doonto 272 malyuun, halka uu 360 malyuun uu ka gaadhi doono sannadka 2050.
Colaad aan marnaba dan u ahayn Masar waxaa lagu baajin karaa iyadoo si kalsami ah arrinka ay uga wada xaajoodaan dalaka uu ka soo rogmado Niilku. Isla markaana, si cadaalad ah in loo wada qoondeeyo saamiga biyaha iyadoo lala kaashanayo Qaramada Midoobay iyo Baanka Adduunka oo 1960 dhexdhexaadiyay heshiiska biyo-qaybsiga Hindiya iyo Pakistan.
Arrintu ma aha mid fudud marka aad ogaatid mawqifka Masar kaasoo sii hurinaya colaadda. Madaxweyne Maxamed Mursi dhowaan waxaa uu sheegay in aanay ka gorgortami doonin biyaha Niilka. Waxaana uu ku hanjabay haddii dalkiisu uu waayo dhibic ka mid ah biyaha inay u daadin doonaan dhiig fara badan.
Aragtida colaadda xanbaarsan ee xukuumadii Xusni Mubarik iyo tan Maxamed Mursi, fikirka xukuumadda Xassan Shiikh iyo Siro qarsoodi ah oo la daah-furay waxaad ka akhrin doontaa qaybta 2 ee Colaadda Biyaha Niilka iyo Saamaynta geeska Afrika.
Masar waxaa weji-gabax noqotay markii Telifishanka Qaranku si toos ah u baahiyay shir looga hadlayay biyo-xidheen laga dhisayo Ethiopia. Shirku wuxuu ahaa qarsoodi,
waxaana ku sugnaa awoodaha siyaasadeed iyo bulsheed ee dalka. Waxaana guddoominayay Madaxweyne Maxamed Murse.
Allah uma xil-qarin madaxdii shirka ku kulansanaa. Eray kasta oo ay ku dhawaaqaan waxaa uu ku dhacayay dhegaha iyo indhaha malaayiin si toos ah u daawanayay Tiifiiga. Shacabku waxaa uu aad uga yaxyaxay waxaa ka soo yeedhayay madaxdooda,aan mar qudha dhaadin in ceebtoodu dibedda taallo. Faahfaahinta BBC halkan ka akhri.
Haddaba, aragtiyaha la isku weydaarsaday shirka ayaa gebi ahaanba huwanaa colaad, nacayb iyo iclaamin dagaal lagu qaado Ethiopia. Waxaa la soo jeediyay in ciidamo gaar ah loo adeegsado burburinta biyo-xidheenka Itoobiya. Aragti kale ayaa tibaaxday in Addis Ababa lagu kiciyo dayuuradaha Jetka si loo baqo geliyo. Waxaa iyana la isla soo hadal qaaday in la taageero jabhadaha mucaaradka hubaysan sida Oromo iyo Ugaadeeniya ee la dagaalama xukuumadda Ethiopia.
Waxaa aad loogu celceliyay in Somaaliya, Eriteria iyo Djabouti loo adeegsado dagaalka. ? kuwaa ayaa innoga filan dagaalka Xabashida. Loo mana baahna in aynu u galno si fool ka fool ah.? Sidaa waxaa ku tiraabay masuul shirka fadhiyay. Waxaana uu ku ladhay, ?Xabashidu waa beelo iyaga laftooda ayaa la isu diri karaa haddii la rabo.?
In badan oo madaxda ka mid ah waxay ay si adag u sheegeen in Isra?il iyo Maraykanku yaheen codowga kowaad ee Masar iyo inay iyagu ay sii direen xabashida. Shirka waxaa uu socday labo saacadood iyo badh. Isaga oo dhammays tiran halka ka daawo.
Colaaddan cusub waxay daarran tahay markii ay soo shaac baxday in Ethiopia laga dhisayso biyo-xidheen lagu qiimeeyay inuu ku kaco lacag dhan $4.200 milyan oo dollar. Biya-xidheenka (Ethiopian Renaissance Dam) waxaa uu noqon doonaa kan ugu weyn qaaradda Afrika. Waxaana uu soo saari doonaa ilaa 6,000 megawatts iyadoo la filayo in uu hirgali doono sannadka innagu soo fool leh, 2014.
Dhinaca kale, Masar oo ah dalka ugu dadka badan Bariga Dhexe waxaa noloshoodu ku tiirsan tahay webiga Niilka. Sidaa darteed, waxaa ay ku taamayaan heshiis, 1929, gumaystahii Hingiriisku xaq u siiyay in ay Niilka ka helaan saami dhan 55.500 milyan oo metre saddex laaban, halka Suudaan loo qoondeeyay 18.500 metre saddex laaban.Heshiiska waxaa dib loo cusboonaysiiyay 1959 iyada oo ay kala saxiixdeen Masar iyo Suudaan. Run ahaantii, heshiisku waxaa uu duudsiyay sagaal dal oo uu soo jibaaxo webiga Niilka ee dhererkiisu dhan yahay 6,700km (4,160-mile).
Colaad Sooyaal Ah
Colaadda Masar waa sooyaal. Waxay soo jiitamaysay boqol sannadood. Waa mid ku qotonta gardarro iyo aabi lagu tacadiyayo xuquuqda sagaal dal oo Afrikaan ah kuwaasoo Eebbe ku beeray jiinka Niilka. Webiga waxaa uu ka soo rogmadaa dalalkaa la duudsiyay, waxaana uu ku shubmaa Masar. Waxaa hubaal ah haddii uu ka soo rogman lahaa dhinaca Masar in malayiin Afrikaan ah ay u le?an lahaayeen oon (haraad).
Xusuus Sheeko Soo Noqnoqotay
Isniin, February 27th, 2010, hay?adda WikiLeaks waxay faafisay siraha qarsoon ee Galalka Xuuraanka Adduunka (The Global Intelligence File), tasoo ay ku soo hurgufeen in ka badan 5 malyuun oo gal ama farriimaha boostada danabaysan (e-mails) ee ku kaydsanaa xarunta Sirdoonka Caalamka “global intelligence”, Taxes, carriga Maraykanka.
Dhambaalada laga soo xigtay xukuumadda Masar waxaa ay si mug leh u muujinayeen la dagaalanka goonni isu taagga Koonfurta Suudaan iyo Somaaliland. Hase yeeshee, markii ay ka rajo-dhigeen in ay cagta saaraan xornimada K. Suudaan waxaa ay dan moodeen inay is daad-raaciyaan. Waxayna ugu deeqaan mashaariic badan sida dib-u-dhis iskuulo, tababar macalimiin, in laga dhiso caasimadda Jubba faraca Jaamicadda Alexandria, in la siiyo 4 warshado laydh, dhismaha xarumo caafimaad, qodidda 30 ceel, iyo in loo dhsio Telifishan Qaran oo ku xidhan dayax-gacmeedka Nile Sat.
Sir Fakatay
Taariikh 06/01/2010
Sir Qarsoodi Ah: Heerka Sare A
Taliska Sirdoonka Masar
?Toddobaadkii tegay Madaxweyne Mubaarik waxaa uu la kulmay afar ka mid ah shanta dal ee uu khuseeyo ?Niilku?. Waxaana lagu la heshiiyay Kenya, Rwanada, Tanzania iyo Uganda in ay biyaha u adeegsadaan tamarta iftiinka (electricity generation) iyadoo Masar ugu abaal-gudi doonto mashaariic horumarineed. Waxaana la isku afgartay in aan biyaha loo duwin waraabka dalagga beeraha. Masar waxay sii wadi doontaa wada-hadalka ilaa inta ay ka hubsanayso in heshiisku sidiisa u fulay.?
?Wada-hadalka waxaa ka maqnaa Ethiopia. Waxaanu isku dayi doonnaa in iyagana lala xidhiidho iyadoo loo marayo irridaha diblomaasi. Hase yeeshee, waxaa barbar yaalla in cudud lagu muquuniyo danta Masar. Waxaa kaloo jira heshiis Masar iyo Suudaan si wadajir ah isaga kashaanayaan halista Niilka.?
?Waxaa lama huraan ah in aannu wada yeelano qorshe milateri oo degdeg ah? Ma filaynno dagaal baahsan. Waxaa la adeegsan karaa dayuuradaha Jet-ka si loo duqeeyo biyo xidheennada Itoobiya ?. Ama ciidamado gaar ah ayaa soo gufayn karo meel kasta oo lagu leexiyo marinka biyaha Niilka.?
?Ma aha wax cusub. Bal, dib u eeg hawlgalkii ciidanka Masar ee badhtamihii toddobaatankii. Waxaan filayaa inay ahayd 1976. Ciidamada Masar waxay dabka saareen (qarxiyeen) qalab ku sugnaa badweynta una socday biyo-xidheen laga dhisayay Ethiopia. Waxay ahayd cashar uu ku diirsaday Mubaarik.?
Warcelinta Ethiopia, kaalinta Somaalidu kaga jirto dagaalka biyaha iyo saadasha halka ay wax ku danbayn doonaan waxaad ka akhrin doontaa qaybta 3aad ee Colaadda Biyaha Niilka iyo Saamaynta geeska Afrika.
Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh horri@somalilandsun.com ama ku tixraac @horrimania.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com