|

“Codkii badnaa ee Shacabku Kulmiye Siiyay,Balanqaadyadii Xisbiga iyo Fariintii Shacabkuba Waxay ahayd in la Soo dhiso Dawlad Kooban oo Tayo Leh” Muuse Biixi {DHAGAYSO}

Hargaysa 29.July (SDN) Sadex Sanno ka Hor Markii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ku Guulaystay Hogaaminta Qaranka isagoo ka duulaya Balan qaadkiisii ahaa inuu Soo dhiso dawlad kooban oo Tayadu hagayso.

Waxa uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo Magacaabay Gudi 15 Xubnood ka Kooban oo uu u Xilsaaray inay ka soo Talo bixiyaan Sidii loo heli lahaa Dawlad Kooban oo ay Aqoontu Hagayso.

Gudidaasi Waxay Madaxweynaha u Bandhigeen Talo Muhiim ah Iyagoo ku Jaangooyay Inay dawladu ka Koobnaato 15 Wasaaradood iyo Todoba Komiishan.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Gudoomiye u ahaa Gudidan Talo Bixineed ayaa 10kii Bishii July ee 2010kii Waxa uu Waraysigan Siiyay Idaacada Bbc-da.

Geesta kale Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Baal maray Talo Bixintii Gudidaas uu Magacaabay Waxaanu ku dhawaaqay 28 bishii July ee 2010kii dhismaha Xukuumadiisa oo ka kooban 20 Wasiir iyo 6 Wasiir ku Xigeen .

Shabakada Qurbejoog.com oo Hore idiinku Soo Gudbisay Balanqaadyada aan Rumoobin ee Xukuumada Xisbiga Kulmiye Ummadu ku dooratay Dhagayste adiga ayaa isu Miisaamaya Sida ay  isu Waafaqayaan labadaas Qodob.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/GUDIDIITALO .mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed