Codbixintii Doorashada Itoobiya oo socota iyo Wax is-dabamarin la soo weriyey
Addis Ababa, 26 May, 2015 (SDN/QJ)- Waxa socota tirinta Codbbixinta Doorashadii Baarlamaanka ee Axaddii todobaadkan ka qabsoontay waddanka Itoobiya, taas oo filayo in isbahaysiga talada haya ee EPRDF guul weyn ka gaadho doorashadaas.
Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka qaarkood, ayaa cabasho ka muujiyey nidaamka codbixinta, iyagoo sheegay in hanjabaad iyo garaacis lagula kacay taageerayaashooda oo isku dayey inay codadkooda dhiibtaan.
Afhayeen u hadlay Xisbiga mucaaradka ah ee Blue Party, Yonathan Tesfaye, ayaa u sheegay wakaaladda Wararka ee AFP, ayaa sheegay inay jireen dhacdooyin badan oo tacaddiyo xisbiga talada hayaa ugeystay taageerayaasha mucaaradka iyo sidoo kale wax is-dabamarin la sameeyey.
“Waxa na soo gaadhay cabashooyin ay noo soo gudbiyeen Wakiiladii noo joogay goobaha codbixinta oo laga horjoogsaday inay goob-joog ka noqdaan codbixinta. Dowladdu farsamooyin kala duwan ayay u isticmaashay si ay u cabsi geliso,” Sidaas ayuu yidhi Yonathan.
In kasta oo aanay doorashada goob-joog ka ahayn Kormeerayaal Caalami ah, haddana sida ay baahisay Wakaalada Wararka ee Itoobiya (ENA), Midowga Africa, ayaa ammaanay qaabka doorashadu u qabsoontay.
Meelaha qaarkood, ayaa laga codeynayay ilaa Isniintii shalay, sida Jaamacadaha iyo Kuliyadaha waxbarashada oo agabka doorashadu ka go’ay, sida ay hore u sheegeen Guddiga doorashooyinka.
Doorashada baarlamaanka Itoobiya oo isugu jirtay ta federaalka iyo dowlad-deegaannada, ayaa la filayaa in natiijada rasmiga la shaaciyo 22-ka bisha June ee soo socota, balse natiijada dowlad-deegaannada ayaa la filayaa in la shaaciyo todobaadkan.
In ka badan 36 Milyan oo ka mid ah 90 Milyan ee shacabka Itoobiya, ayaa isu diiwaangeliyey codbixinta doorashada oo la sheegay in Isbahaysiga talada hayaa ku guulaysan doono.
Saadaasha laga bixiyey cidda ku guulaysanaysa doorashada Itoobiya, ayaa lagu sababeeyey natiijadii ka soo baxday doorashadii ugu dambaysay ee dalkaas ka qabsoonta sannadkii 2010-kii, taas oo Isbahaysiga EPRDF ku guulaystay boqolkii 99.6 tirada kuraasida Baarlamaanka, iyada oo mucaaradku hal kursi ka heleen mudaneyaasha baarlamaanka.