|

Ciyaaryahankii caanka ahaa ee reer Brazil Dr Socrates oo geeriyoodey

Brazilia Dec 05,2011(qurbejoog.com)Ciyaaryahankii khadka dhexe uga Ciyaari jiray dalka Brazil todobaatameeyadii Dr Socrates ay  xalay geeriyoodey ka dib kolkii caloosha looga soo booday.

Socrates oo da’adiisu ay aheyd 57 jir ayaa laba casho ka hor la dhigay cisbitaal ka dib kolkii uu ku sumoobay raashin uu cunay.

Ciyaaryahanka ayaa waxa lagu yiqiinay ciyaar maskax ku dhisan oo uu ku maamuli jiray khadka dhexe.

Waxaanu qeyb ka ahaa kooxdii ugu guusha badneynd ee Brazil iyo dunida ebid soo marta.

Warbaahinta waxa lagu arkayay laaciibiinta dunida oo caalamka ka tacsiyadeynaya Dr Socrates.

Drku waxa uu dalkiisa u ciyaaray laba ka mida ciyaaraha dunida intii u dhexeysay sanadihii 1979kii ilaa 1986kii,waxaanu Qaranka Brazil u badiyay 60 ciyaarood oo uu dhaliyay 22 Goal.

Madaxweynaha dalka Brazil ayaa dalkiisa uga tacsiyadeeyay geerida Socrates oo sheegay in uu ahaa mid ka mkid ah dadka ugu sumcada badan dalkaasi.

 

Qurbejoog-Brazilia

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed