Ciyaaryahan diiday in uu Obama la kulmo,maxay tahay sababtu?
Washington Jan 25,2012(qurbejoog.com)-Goolhayaha kooxda Boston Bruins oo heyta horyaalka Hockeyga (Xeego) ee woqooyiga America ayaa qaadacay in uu kooxdiisa u raaco aqalka cad si ay ula kulmaan madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.
Tim Thomas ayaa sheegay mar uu saxaafada la hadlay in uu xubin ka yahay xisbiga mucaaridka ah ee Jamhuuriga,isla markaana aanu qabin in madaxweynuhu uu xilkiisa si wanaagsan uga soo bixin.
Talaabada uu ciyaaryahankani qaatay ayaa ah mid aan hore loogu arag nooceeda dalka Mareykanka isla markaana Sawir ka bixineysa sida Mareykanku ugu kala qeybsan yahay siyaasada.
Kooxda uu ka tirsan yahay Tim ThomasĀ ee Bosto ayaa si weyn uga cadhooday sida uu u siyaasadeeyay kulanka taariikhiga ah ee ay aqalka cad ku tegeen.
Madaxweyneyaasha Mareykanka ayaa la kulma dhamaan kooxaha kala duwan ee ku guuleysta horyaalada ciyaaraha kala gedisan ee dalkaa laga ciyaaro.
Aqalka cad ayaan ilaa iminka ka hadal talaabadan guracan ee uu qaatay ciyaaryahankan ismuujiskaiyo afadeyga ku caanka ah.
Qurbejoog-Washington