|

CIYAARUHU WAXAY DHISAAN, MAANKA IYO MASKAXDA DHALINTA.

Ciyaaruhu waxay door mihiima ka ciyaaraan is dhex galka bulshada iyo isku soo dhawaanshaha bulshada, waxa kaloo ciyaaruhu keenan is ku gudubka dhaqanka iyo hidaha wuu degaan waliba gaarka u leeyahay madaama ciyaar yahanadu u kala gudbayaan gobolo kala duwan iyaga oo sita hidahooda iyo dhaqanka  u gaarka ah.

 ciyaaruhu waxa ay ka gadisanyihiin siyaasada madama ay siyaasadu ka unkato/bilaabanto in lays kugu yimaado dan qabiil,dan yaasadeed, dan ganacsi, dan dimeed, dan reer nimo iyo inta lahal maasha.

Saxiibka siyaasadu ma waaro mana siijiro waqti dheer, maah maah caana ayaa tidhaa “siyaasadu waxa ay leedahay dano joogtaa lakiin malaha saxiib jogtaa” waayo imisa saaxibo ahaa ayaa kukala tagay siyaasad, imisa kursi wada fadhiisan jiray ayaa maanta isa salaamin, imisa saaxiibo ahaan jiray ayaa maanta iska soo horjeeda, imisa saxiibo ahaan jiray ayaa maanta isku mucaarida , imisa isrumaysan jiray ayaan is rumaysan.  

lakiin ciyaaruhu waa ay ka gadisanyihiin waana waxa kaliya ee is barra dhalin badan oo ka kala yimi gobolo iyo dagmooyin kala durugsan oo kalla gadisan, Is la markaana leh dhaqan iyo hiddo u gaara.

Dhalintaas kala jaadka ah ee ciyaar wadaaga lahi, waxa kaliya ee ay isku baranayaan waa ciyaarta u dhaxaysa iyo kubada ay wadagayaan , lakiin iskuma baranayaan dano qabiil iyo mid siyaasadeedtoona, Waxaanay dhalintaas noloshooda inta ka hadhay a haanayaan saaxiibo waara oon is dhaafin , waxa lagu tilmaama in ciyaartu tahay saxiib abadiya(friend forever).

 ciyaaruhu waxay  dawo ka yihiin isticmaalka mukhaadaraadka noocyadiisa kala gadisan, waxay dhisaan maskaxda iyo maanka  xigmad baa tidhaa “maskaxda caafimaadka qabtaa waxay ku jirtaa jidhka caafimaadka qaba”

Waxa farxad inoo ah in maanta aynu haysano dhalin u heelan ciyaaraha lehna xirfado tayadoodu aad u sarayso oo ku haboon ciyaaraha noocyadooda kala jaadka ah, haday ahaato kubadii cagta oo aynu aragno sida quruxda iyo qaayaha leh ee ay u ciyaarayaan dhalinteenu  kuna dheehantahay xirfad tayadeedu aad u sarayso taas oo u dhiganta ciyaaraha heer caalamiga ah.

 waxa ilaahay galadii ah oo wax lagu farxo ah in maanta dhalinteenu 50% ay ciyaaraan ciyaaraha kala jaadka ah haday ahaato kubada cagta, haday ahaato kubada gacanta.

Lakiin se, dhilintu waxay u baahan yihiin in ay helaan hiil qaran oo tusiya in dalku u heelan yahay sidii  ay hormar buuxa uga gaadhi lahayeen  hamigooda ciyaareed oo loo dhiso garoomo farabadan oo ay ku ciyaaran , si ay uga jeestaan duufanada tahriibka, mukhadaraadka, iyo laydha qabyaalada ee ka socda darafyadeena iyo gudaheenaba.

Guntii iyo gunaanadkii waxaan ku soo afmeerayaa qoraalkaygan kooban tala bixintan , taas oon u arku mid dawo iyo talo , toosin iyo tilmaamba u noqon karta inta inaga qaldan ee u baahan in la toosiyo lana tilmamo , si aynu u noqono bulsho is toosisa iskuna tilmaanta dariiqa saxda ah.

1.      Waa in wasaarada dhalinta iyo ciyaaruhu xoojisaa shuruucada kubada cagta dalkeena , si aynu u helno kubad hufan oo ku naaloonaysa kuna talaabsanaysa shuruuc adag oo la jaanqaadaysa mida caalamaka.

2.      In lahelo garsoorayaal u tobabaran qabashada ciyaaraha heer gobol, waa mid qurxin karta kubadeena sarrana u qaadi karta xirfada dhalinteena ee ciyaareed, markaa waa in wasaaradu ku dadaashaa in ay tababaro u furto garsoorayaasha si ay sarre ugu qaado xirfadooda garsooranimo.

3.      Agabka ciyaaruhu waa ka qab nidaamka ciyaareed, qurxisana qaabka ciyaaraha , haday ahaato dharka garsoorka, calaamdaha garoonka, agabka wax lagu badalo intaaas oo dhan waa in wasaaradu xil iska saartaa kana baxdaa habqanka iyo kala daadsanaanta ka muuqata, waayo? maaha dhaqalo darro ee waa  tamar iyo maamul darro ka muuqata wasaarada dhalinta iyo ciyaaraha.

4.      Waa in ladhisaa akhlaaqda iyo anshaxa dhalinteena laguna barbaariyaa wadanimadu waxa ay tahay iyada ood kala kaashanaysaan wasaarada waxbarashada.

5.      Wasaarada dhalinta iyo ciyaaruhu waa in ay ka fogadaan qabyaalada iyo waxa kala durkinaaya bulshada madaama ay gacanta ku hayaan ubaxii dalka.

6.      Waa in wasaaradu ka ilaa li saa dhalinta siyaasada qudhenkeeda in ay soo dhex gasho dhalinta , waayo? siyaasadu waa qudhun kala ka xaysa , burburisa isku duub naanshaha iyo walaaltinimada dhalinta

Intaas iyo in kabanba waa xil saran wasaarada dhalinta iy ciyaaraha, waxayna tahay in shaqadooda u gutaan sida ugu fiican ugana hawl karsan si aynu u helno dhalin caafimaad qabta oo u heelan hormarka dalkood hooyo, kuna niyad san dalkooda .

 

 

W/Q: A/rahiim Mohamed Elmi(ina dhago dheere)

M/Q: ciyaaruhu waxay dhisaan , maanka iyo maskaxda dhalinta

Email: hirsi1994@gmail.com

Comments are closed