|

Ciyaar Kubadda Cagta Ah Oo Lagu Maamuusayay Qaar Ka Mid Ah Dhakhaatiirtii Dhawaan Ka Qalin jabisay Jaamacadda Hargeysa, Ayaa Xalay Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa (Daawo Sawirrada)

Hargeysa,6Aug,2015(QJ/SDN)-Xafladd si weyn loo soo agaasimay oo xalay ka qabsoontay mid ka mid ah garoonada kubbada cagta ee magaalada Hargeysa ayaa xalay lagu maamuusay qaar ka mid ah dhakhaatiirtii da’yarta ahayd ee dhawaan ka qallin jabisay jaamacadda Hargeysa. Xafladdan oo ay kasoo qayb galeen aqoonyahano, dhalinyaro iyo siyaasiyiin, ayaa waxa ugu horrayn halkaasi ka hadlay Siyaasi Cabdirraxmaan Axmed Ismaaciil oo ka mid ahaa dadkii soo qaban qaabiyay xaladdan waxaana haddaladii uu halkaasi ka jeediyay ka mid ahaa ‘’ Xafladdan qiimaha iyo qaayaha badan waxaanu ku maamuusaynaa labada dhakhtar ee ka qalin jabiyay jaamacadda Hargeysa, Dr.Maxamuud iyo Dr.Najax, waa labadan dhakhtar oo ka qalin jabiyay jaamacadda Hargeysa,maadaama aanu nahay asxaabtii iyo siyaasiyiintii waxaanu u qaban qaabinay in aanu xafladd aanu ku maamuusayno labadan dhakhtar ee usoo baxay qaranka iyo dadweynahaba’’ ayuu yidhi  siyaasi Cabdiraxmaan.

100_3020100_3016

Geesta kale waxa iyaguna dhankooda ka hadlay labada dhakhtar ee xafladdan lagu maamuusay. Waxaana ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin maamuuskan loo sameeyay una mahadcelinayaan cid kasta oo soo qaban qaabisay munaasibaddan iyada ah. Gaar ahaana waxay mahad gaar ah jeediyeen siyaasi Cabdiraxmaan oo door muhiima ka qaatay qabsoomidda xafladdan.

100_3018100E3025

Ugu danbeyntii waxa halkaasi lagu soo bandhigay ciyaar kubadda cagta ah oo lagu maamuusay labada dhakhtar. Dr.Maxamuud iyo Dr.Sharma’arke.

Hadaba Halkan Hoose Ka Daawo Sawirro Dhameystiran oo ku saabsan munaasibaddaasi,

100_3012100_2991100_2999100_2994100_2997100_3006

Qurbejoog.com: Hargeysa

Comments are closed