Cismaan Hindi Oo Difaacay Kalsoonida Uu Xisbiga KULMIYE Ka Haysto Bulshada Iyo Barnaamijka Uu Ku Gelayo Doorashada
London 22. February 2016 (SDN/QJ):- Siyaasiga Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan-Hindi), oo hore uga tirsanaa xisbigii bur-buray ee UDUB ayaa sheegay in doorashooyinku culays ku hayaan dalka, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in la soo koobo doorashooyinka faraha badan ee dhawrkii sannadoodba mar la gelayo.
Cismaan Hindi oo Telefishanka Universal ugu waramayay magaaladda London ee dalka Ingiriiska oo uu ku sugan yahay ayaa waxa uu tilmaamay in dalku aanu qaadi Karin in mar walba doorasho laga qabto, isla markaana loo baahanyahay in mar la wada qabto doorashooyinka kala duwan ee Somaliland.
Cismaan Hindi oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Doorashadani ma aha tii ugu horaysay ee Somaliland gasho, wadankuna ma qaadi karayo. Waxan oo doorasho ah in mar walba la qabto, wadamada aduunyada ugu waaweyn, ee dhaqaalaha leh ayaa soo kooba doorashooyinkooda, doorashooyinkuna culays ayay Somaliland ku hayaan, waa doorashada golaha wakiilada madaxtooyadda iyo dawlada hoose, imikana waxa isa saaran labo doorasho oo kala ah ta madaxtooyada iyo golaha Wakiiladda sababta la isku saarayna waxa weeyi in la yareeyo culayska ay waddanka ku hayaan ee siyaasadeed ee dhaqaale.”
Cismaan Hindi, waxa kale oo uu sheegay in xisbiga talada haya ee KULMIYE uu dadka ku kasbanayo wixii uu qabtay bulshadda hase yeeshee xisbiyadda mucaaradku aanay soo bandhigin barnaamij umaddu ku qanacdo. “Xukuumadda iyo xisbul-xaakimku waxay dadka ku kasbanayaan wixii ay qabteen ee ay balanqaadeen ee ay fuliyeen, umaddana uu balanqaadeen. Xisbiyad mucaaradkuna way jiraan wax meelahaa ay ka akhriyaan laakiin 90% (boqolkiiba sagaashan), ummadda reer Somaliland wax barnaamijkooda arkay ma jiraan, iyo waxa u qoran,” ayuu yidhi Cismaan Hindi.