|

Cisbitaalka Weyn Ee Hargeysa Oo Qaylo Dhaan Kasoo Yeedhayso,Maxaase Ka Jira In Bukaano ay U Dhinteen Oxygen Qaab Qaldan Loogu Xidhay Oo La Isku Haysto?

Hargaysa 03. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Qaar kamida bukaan jiifka cusbitaalka wayn ee magaalada Hargeysa ayaa wargeyska Foore u sheegay in dhakhtarka Weyn ee Hargeysa uu marayo halkii ugu hooseysay marka loo eego adeeg la’aanta baahsan iyo jahawareerka dadka bukaanka ah ee daawo la’aantu ku hayso,waxaana sidoo kale laga soo sheegaya dhacdooyin argagax leh oo si isku xig xigta uga dhacay bilihii u dambeeyey ,taas oo uu ka dhashay buuq iyo faham la’aan dhex martay masuuliyiinta cusbitaalka iyo ehelada dadka bukaanka ah ee ku jira cusbitaalka isla markaana usoo doonta dawooyinka.

Axmed Cali Cabdi oo kamid ehelada bukaanku kaga jiro dhakhtarka oo wariye ka hawl gala wargeyska Foore uu la kulmay ayaa dhacdo xanuun badan uga waramay,waxaana uu sheegay in dhawaan uu buuq ka dhashay cusbitaalka kadib markii uu ku geeriyooday qof bukaan ah oo lagu dabiibayey,kaasi oo la sheegay inuu u dhintay Oxygen (hanta ay ku jirto Hawada aynu qaadano) oo si qaldan loogu rakibay,waxaana uu sheegay ninkaasi in eheladi marxuunkaa dhalay in ay baadhis ku sameeyeen bukaankaas isla markaana dhakhaatiir kale oo ka hawl gasha cusbitaalada gaarka loo leeyahay ay u sheegeen in bukaankani uu u dhintay sababo la xidhiidha Oxygen-ta oo si qaldan loo siiyey,waxaana ay taasi sababtay in ehelada bukaankan geeriyooday ay dacwad ka furtaan maxkamadda iyaga oo ku andacoonaya in sababta uu bukaankoodu u dhintay ay masuuliyadeeda leeyihiin maamulka cusbitaalku.

Warar kale ayaa sheegaya in todobaadkan gudahiisa uu bukaan kale uu ku dhintay cusbitaalka Hargeysa,kaas oo isna laysku haysto,waxaana isna lala xidhiidhinayaa in uu u geeriyooday Oxygen-ta oo si qaldan loogu rakibay,waxaana ay wararku sheegayaan in cusbitaalka Wayn ay maalmihii u danbeeyey ay hadheeyeen arrimo la xidhiidha labadaas bukaan ee qaabka isku midka ah ugu geeriyooday cusbitaalka magaalada Hargeysa.

Kan danbe ayaa la sheegay in isaga oo nool la ogaaday inay waxyeelo u gaysatey Oxygen-tu isla markaana waxay eheladiisu u qaadeen cusbitaalada gaarka loo leeyahay halkaas oo uu markii danbe ku geeriyooday.

Dhakhaatiirta waa wayn iyo shaqaalihii takhasuska ahaa ee ka hawl gali jirey cusbitaalka magaalada Hargeysa ayaa uga yaacay mushahar yaraan,waxaana hadda cusbitaalka ka jirta xaalad adag oo u baahan in loo gurmado loona soo celiyo haybadii uu laha cusbitaalka dawladu.

Hay’addo badan oo gacan saar dhaw la lahaa cusbitaalka ayaa sanadihii u danbeeyey iyaguna joojiyey gargaarkii ay u fidinayeen.

Comments are closed