Cisbitaalada Turkiga ee Muqdisho oo Soomaali faro badan gacan u fidiyay
Muqdisho April 15,2012(SDN)-Cisbitaalada dalka Turkigu ka dhisay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ilaa iyo haatan gargaar caafimaad u fidiyeen dad ka badan laba boqol oo kun oo ruux.
Labadan cusbitaal oo Muqdisho laga hirgeliyay bishii August 19, 2011 keedii ayaa waxa la qeybiyay gargaar caafimaad oo lagu qiyaasay 150,000 ton.
Soomaali ka 978 ruux ayaa mudadaa loo sameeyay qaliimo kala duwan uu muhiimad gaara lahaa,sida uu sheegay madaxa cusbitaaladan Dr. Musa Temel
Dr. Musa Temel ayaa intaa raaciyay waxaanu Muqdisho nimi xili macaluul xumi ay ka jirto,isla markaana ay shacab badan dhaxalsiisay cuduru ay caadiyan iska caabin kari lahaayeen.
Dhakhaatiirta Turkiga ayaa hawl ay ku diirsan dadka danyarta ah ka fuliyay mudadaa gaaban ee ay Muqdisho ku sugnaayeen.
SDN-Muqdisho