|

Cirro iyo Mooge oo aan laga casuumin dib u furka Suuqa Waaheen

Hargeysa November 30, 2024(QJ) – Madaxweynaha Somaliland ee xilka ka sii degaya, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa galabta si rasmi ah u daah-furay suuqa ganacsiga ee WAAHEEN oo dib u dhis ballaadhan lagu sameeyey.

Madaxweynuhu waxa uu kormeer kooban ku soo maray dhismayaal casri ah oo laga hirgeliyey suuqa WAAHEEN, ka dib dabkii khasaaraha badan dhaliyey ee suuqaasi ka kacay horraantii bishii April 2022, waxa uu madaxweynuhu u kuur-galay dhismayaasha cusub ee la bilaabay iyo sida loo ilaalinayo hantida iyo dadkaba.

Munaasabad kooban oo halkaasi lagu qabtay ayaa waxaa khudbado kala duwan ka soo jeediyay khubarada kormeerayay dhismaha suuqaasi, wakiilo ku hadlayay magaca mulkiilayaasha suuqaasi, masuuliyiin iyo hay’ado kala duwan oo dowladda ka tirsan. Waxa ay si fiican u sharaxeen marxaladihii uu suuqu soo maray iyo sida loogu guulaystay in la hirgaliyo dhismayaasha casriga ah ee u dhigma suuqyada kale.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyay xafladda, ayaa u mahad-naqay cid kasta oo gacan ka gaysatay dib u dhiska suuqa iyo hirgelinta dhismayaal dhaadheer oo buuxiyey dhammaan shuruudaha suuqa.

Suuqan ganacsiga ee WAAHEEN oo dhawaan la furay ayaa ka kooban 24 qeybood oo isugu jira dukaamo casri ah oo dhan 644 (Lix boqol iyo afar iyo afartan). Suuqa ayaa la soo gabagabeeyay iyadoo la dhisay waddooyin, meelaha ay macaamiisha dhigtaan, iyo tallaabooyin lagu ilaalinayo hantida iyo badeecadaha oo la dhigayo halkaas.

Madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Cirro iyo Maayarka Hargeysa Cabdikariim Mooge ayaan lagu soo casuumin xafladan, iyadoo laga yaabo inay la xidhiidho doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday oo Biixi iyo xisbigiisu guul-darraystay.

Comments are closed