|

Ciqaab La Marsiiyey Nin Somaliyeed Oo Diinta Islaamka Ka Baxay

Nairobi:Aug,29,2014(SDN/QJ)-Warbaahinta kasoo baxda Dalka Kenya ayaa soo daabacday in ciqaab adag la marsiiyey nin somali ah  ku dhawaaqay inuu qaatay diinta masiixiga, isla-markaana uu ka tegay diinstiisii islaamka.

secretWargeyska Star Morning oo ka mid ah warbaahinta dalka Kenya ayaa warkaas Daabacay Maalintii shalay, waxana uu sheegay in  ciqaab adag oo jidh-dil ah la marsiiyey somaligan diintiisa ka baxay.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Cali ayaa muddo hadda laga joogo 15-sanno qaatay diinta masiixiga, wuxuuna ahaa macallin faafiya diintaas, waxaana jidhdilay Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii.

Waxaa la sheegay oo kale ninkan oo 30-jir ah in laga soo tuuray dabaqa afraad dhisme xaafadda Islii ku yaalla sidaas waxaa wargeyska sheekadan qoray u sheegtay xaaskiisa oo iyana haysata diinta Kirishtaanka.

Waxaa la jiifiyay ninka oo dhaawacyo halis qaba Isbitaalka Kenyatta ee Nairobi, waxaana daweyntiisa ku baxday ilaa hadda lacag  aad u fara badan sida ay markale sheegtay xaaska ninkan diinta Islaamka ka baxday, waxaana ay intaas ku dartay in aanay garanayn  meel ay lacagtaas ka doonto.

Ma aha markii ugu horeysay oo Kenya lagu arko qof Soomaali ah oo sheegtay in uu ka baxay diinta Islaamka isla markaana uu qaatay diinta masiixiga.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed