|

Cilmi Baadhis Caafimaad:”Tobankii Ruux Ee Adduunka Ku Dhimata Mid Ka Mid Ah Ayaa Sigaar Cabbsita U Dhinta”

Moscow 07. April 2017 (SDN/QJ):- Tobankii ruux ee adduunka ku dhimataba mid ka mid ah ayuu sigaar dilaa sida ay muujinayso cilmi baadhis cusub oo la sameeyay, kala badh dhimashadaasina waxay ka dhacdaa afar dal oo kala ah Shiinaha, Hindiya, Maraykanka iyo Ruushka.

Inkastoo sanado badan la soo waday siyaasado lagu xakamaynayo tubaakada, haddana tirada dadka ee sii kordhaysa ayaa sababtay in ay sare u kacaan dadka sigaarka caba, sida warbixintan ay ka digeyso.

Cilmi baadhayaaashu waxay sheegeen in ay macquul tahay in dhimashadu ay sare u kacdo maadaama oo shirkaduhadaha Tubaakadu ay si weyn isugu dhabar jabinayaan in ay helaan suuqyo cusub, gaar ahaan dalalka soo koraya.Cilmi baadhistan ayaa waxaa daabacday jariiradda arrimaha caafimaadka ee The Lancet.

Dr Emmanuela Gakidou oo ka mid ah soo saareyaasha sare ee cilmi baadhistan ayaa sheegay in inkastoo nus qarnigii u dambeeyay cadaymo ku filan loo hayay in tubaakadu ay caafimaadka u daran tahay, haddana afartii rag ah ee dunida joogaba mid ka mid ah ayaa sigaaryo cab ah.

Sigaar cabidda ayaa wali ah shayga labaad ee dadka ku haya halista ah in ay durba dhintaan ama naafoobaan, si arrintaas loo yareeyana waa in wax laga qabto oo laxakameeyo tubaakada, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr Emmanuela.

Hay’adda cilmi baadhista caafimaadka sameysa ee magaceeda loo soo gaabiyo GBD ayaa warbixinteeda ku saleysay habdhaqanka sigaar cabidda ee 195 dal iyo deegaanno, baadhitaankaas ayaana la sameeyay intii u dhaxaysay 1990kii ilaa 2015kii.

Hay’addu waxay ogaatay in ku dhawaad hal bilyan oo ruux ay sigaar cabayeen maalin kaste sandkii 2015kii, taas oo ka dhigan afartii rag ahba uu midi sigaar cabo, 20kii dumar ahna ay midi sigaar cabto.

Arrintan ayaa hoos u dhac ah marka loo eego sannadkii 1990-kii markaas oo ay saddexdii rag ahba uu midi sigaaryo cab ahaa, 12kii gabdhoodna ay midi sigaarka cabi jirtay

Si kastaba ha ahaatee, tirada bulshada oo korortay ayaa ka dhigan in ay sare u kaceen guud ahaan dadka sigaarka caba iyadoo 870 milyan oo ruux ay sigaarka cabi jireen 1990kii.

Tirada dadkii ay tubaakadu dishay sanadkii 2015kii ayaa ahayd in kabadan 6.4 milyan taas oo ka dhigan sare u kac gaadhaya 4.7%.

Cilmi baadhistan waxaa lagu ogaaday in dalalka qaar ay guul ka gaadheen dedaaladii ay u galeen in dadkoodu ay iska joojiyaan sigaar cabidda, badankooduna xeeladaha ay adeegsadeen waxay ahayd in ay isku dareen canshuurta sigaarka oo ay sare u qaadeen, baakadaha sigaarka oo digniin lagu qoray iyo barnaamijyo waxbarasho ah oo ay sameeyeen.

Muddo 25 sano ah ragga reer Brazil ee sigaarka caba maalinkaste waxay hoos u ugu soo dhaceen 12% halkii ay ka ahaayeen 29%, dumarkuna waxay hoos ugu soo dhaceen 8% halkii ay ka ahaayeen 19%

Laakiin warbixintu waxay sheegtay in Bangladesh, Indonesia iyo Philippines aysan wax isbadal ah samaynin tan iyo 1990 ilaa 2015kii.

Isla wakhtigaas dumarka dalka Ruushka ee sigaarka caba ayaa sare u kacay 4%, soo saareyaasha cilmi baaadhistanna waxay ka digayaan in Afrika ay ka muuqato ifafaalo taas la mid ah.

Comments are closed