Ciimadda Amaanka Afqanistan oo Sheegay in Dhamaan dadkii weerarka ku soo qaaday Xarunta Doorashooyinka la toogtay
Kabul,30,mar,2014(SDN)-Ciidamadda Amaanka wadanka Af-qaanistan, ayaa sheegay inay dhamaanba laayeen dadkii soo Weeraray Xarunta Doorashooyinka Qaran ee wadanka Afqanistan. Ka dib is rasaasayn soccotay mudo Shan saacadood ah ,ayaa waxay Ciidamadu ku Guulaysteen inay dhamaanba laayaan dadkaas weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa Ururka Daliban ee ka Dagaalama Dalalka Afqanistan iyo Pakistan.
Dadka Weerarka ku soo qaaday Xarunta Doorashooyinka Qaranka ee Magaaladda Kabul,ayaa goobta si xoogan ugu Weerarayay Qoryaha darandooriga u dhaca iyo Baasuukayaal,iyadda oo Goobtani tahay mid si xoogan loo Ilaaliyo.
Taliyaha Ciimadda Afqanistan ee Magaaladda Kabul Mohamad Dahir,ayaa Saxaafadda u sheegay in Afar ka mid ah dadkii Goobta soo weeraray ay u suuro gashay inay Gudaha u Galaan Xarunta,balse markiii danbe lagu Guulaystay in dhamaantood ay Ciidamadda Amaanku wada Toogtaan.
Kabul,SDN
contact@somalidiasporanes.com