|

Ciidmada Dawled Degaanka Soomaalida iyo kuwa Puntlad oo qabqabtay Magafeyaal

Garowe June 25, 2024(QJ)-Ciidamada Booliska Puntland oo kaashanaya Booliska dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay shabakad ka shaqeysa tahriibinta dhalinyarada.

Taliska Booliska Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Shabakaddan oo ka kooban 8 xubnood ay ka tahriibinayeen dhalinyarada ka soo jeeda deegaanada Puntland si ay ugu wareejiyaan dadka tahriibiya ee loo yaqaano “Magafas”.

Taliska Booliska Puntland ayaa sidoo kale soo bandhigay Magacyada Xubnaha Shabakadda ah ee laga soo qabtay Degmada Qabri Dahar ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS).

Ciidamada Booliska Puntland gaar ahaan kuwa dambi baarista ee CID-da ee gobolka Nugaal ayaa wada howlgalo lagu burburinayo shabakadahaasi oo lagu marin habaabinayo dhalinyarada Puntland.

Comments are closed