Ciidankii Ugu Badnaa Oo Kenya Soo Dhoobtay Xuduudka Ay Soomaaliya La Leedahay, Xilli Laga Cabsi Qabo Weeraro Alshabaab kaga yimaadda.
Nairobi,25july,2015(QJ/SDN)-Xidhiiidhiyaha Dowladda Kenya u qaabilsan Gobalka W/bari, Mohamed Salah ayaa xaqiijiyey in la adkeeyey ammaanka xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.
Isagoo la hadlayey Wakaalladda Wararka ee XINHUA waxa uu tilmaamay in Saraakiil badan oo ka tirsan Hay’addaha Ammaanka loo soo daad-gureeyey xuduudka, si looga hortago weeraro laga filan karo Dagaalyahanada Alshabaab.
“Waanu ku baraarugsanahay cabsida Alshabaab, waxaana adkeenay feejignaanta khatarta xuduudka, iyadoo ciiddanka ammaanka dareen qabaan” ayuu yidhi Mas’uulkaasi oo intaasi ku daray in aanay doonaynin inay Alshabaab helaan fursado.
Mas’uulka waxa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo qorshaha Ammaanka, inkastoo uu sheegay inay Boliska gaaf-waregayaan xuduudka, si looga hortago Dagaalyahano Alshabaab oo ka soo tallaaba xuduudka.
Inta badan Dagaalyanahda Alshabaab ayaa la sheegay inay ka soo gudbaan xuduudka Liboy iyo Holugo oo ka tirsan Garissa, Diif oo ka tirsan Wajeer iyo Mandera.