“Ciidankaa XDS waa lafdhabarka jiritaanka shacabka iyo Dalka”.Wasiirka Warfaafinta Somaliya
Muqdisho:26,May,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Dhuxulow ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/G Daahir Cilmi Adan (Indho-Qarsho), oo ay wehliyaan Taliyeyaasha Ciidanka Badda Admiral Madey Nuurey Sheekh Ufurow, Taliyaha Ciidanka Cirka S/G Duuliye Maxamud Sheekh Cali (Doble Pilote), Hogganka Saadka G/Sare Cabdullahi Macalin Nuur iyo saraakiil kale. Wasiirka waxaa ku wehliyey kulanka Agaasimaha Guud, Agaasimaha Warbaahinta, Agaasimaha Radiyo Muqdisho iyo La-taliyeyaasha Wasiirka.
Ujeedada kulanka ayaa ahaa sidii Howlgalada Ciidanka ee socda ay u noqon lahaayeen kuwa dhanka warbaahinta kaalintiisa uu ka qaato iyo sidii XDS iyo wasaarada ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha sugidda amniga, wacyigelinta bulshada iyo sidii bulshada ay uga qeybqaadan lahaayeen diffaca dalka iyo sugidda amniga.
Wasiirka ayaa yidhii “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in Taliyaha Ciidanka XDS iyo Saraakiisha XDS inaan xafiiskeyga ku qaabilo oo aan ka wada hadalno sidii howlgalka ciidanka XDS u noqon lahaa mid guuleysta oo shacabkana lala socodsiiyo horumarka guulaha ciidanka. Ciidankaa XDS waa lafdhabarka jiritaanka shacabka iyo Dalka.
Taliyaha Ciidanka XDS oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan soo booqano xafiiska Wasiirka oo aan ka wada hadlano sidii shacabka loo wacyigelin lahaa loona gaarsiin lahaa guulaha ciidanka XDS. Warfaafinta waa lafdhabarka wacyigelinta bulshada.”
Wasiirka ayaa hadalkiisa sii raaciyey “Ciidanka XDS waxey ku shaqeeyaan daruufo aad u adag oo runtii ay ku ammaananyihiin dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagaxisada ah oo shacabka u diidan nabad iyo horumar. Ciidanku waa geesiyaal nooga baahan inaan dhiiri gelino oo aan ku taageerno howlgalkooda si dalka u noqdo mid nabad ah oo shacabka siiya fursad ay aayahooda uga tashadaan.”
Waxaana uu Wasiirku muujiyay muhiimada ay warbaahintu u leedahay Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab “Waxaan maanta ka wada hadalnay muhiimada wacyigelinta bulshada iyo warbaahinta Soomaaliyeed si shacabka u helo wararka saxda ah iyo horumarka iyo guulaha ciidanka Soomaaliyeed ay si joogta ah u sameynayaan.”
SDN/QJ-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com