Ciidanka Yuhuudda Oo Qudha Ka Jaray Wasiir Reer Falasiitiin ah
Qaza:Dec,11,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Yuhuudda, ayaa dilay wasiir ka tirsanaa xukuumadda Reer Falastiin, kaas oo ka qayb qaatay bannaan bax ka dhan ahaa Xaqdarrada Yuhuudda.
Wasiirkan ayaa lagu magacaabi jirey Ziad Abu Ein, waxana ay ciidanka Yuhuuddu diidanayeen geed seytuun ah meel ku dhow deegaan ay Yuhuudu xoog ku degen tahay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in wasiirka ay u dhacday wax ay ku soo tuureen ciidamada Israel. Mid kamid ah dadka goobjoogayaasha ah ayaa sheegay in xabadka loogaga dhuftay wasiirka mid ka mid ah qasacyada lagu keeno sunta dadka ka ilmeysiisa.
Wasiirka gaashaandhigga Moshe Yaalon ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dhimashada wasiirka. Khubaro Israiliyiin ah iyo qaar kale oo ka socda Jodan ayaa la sheegay in ay baadhitaan ku sameyn doonaan meydka wasiirka, sidoo kale waxaa baadhitaanka ka qeybgalaya khubaro Falastiiniyin ah.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa ku baaqay in baadhitaan deg-deg ah lagu sameeyo isla markaana dhinacyada isku haya bariga dhexe ay ka fogaadaan isku dhac.
Falastiiniyiin cadheysan ayaa isugu soo baxay meel ku dhow deegaanka Turmusaya iyagoo gubay Taayirro baabuur isla markaana dhagxaan ku tuuray askarta Yuhuuda.
Toddobaadyadii la soo dhaafay 10 Israeli ah iyo qof u dhashay dalka Ecuadore ayaa waxaa diley Falastiiniyiin, halka 13 Falastiiniyiin ah la diley.
Mr Abu Ein ayaa ahaa wasiir aan xil hayn ayaa ka mid ahaa dad isugu jirey Falastiniyiin iyo ajaaniib u dhaqdhaqaaqda xuquuqda Falastiiniyinta ayaa ka qeybgalay banaanbax loogaga soo horjeedo la wareegida dhulka Falastiniyiinta.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com