|

Ciidanka RRU: Geesiyaal Qaran oo Dhimbiil Dab ah ku Noqday Cadawga Somaliland

Waxay ahayd 29kii Bishii Oktoobar ee sanadkii 2008 markii Weerar Fulaynimo ah oo naxariis daran ay Dalkeena Hooyo ku soo qaadeen Dhagarqabayaal Miidaame ah oo si Kibir iyo Daandaansi  ku jiro u weeraray Madaxtooyadii Somaliland looga arriminayay iyo waliba Xafiisyada UNka iyo Safaarada Itoobiya ay ku lahaayeen magaalada Hargeysa.

Weerarkaas fulaynimada ahaa waxaa ku naf waayay 24ka qof oo aan wax danbi ah cidna ka gelin, waxaana ku dhaawacmay 28 qof oo kale, dadkaas dhintay ama dhaawacmay waxay ahaayeen dad hoos joogay Ciida iyo Calanka Somaliland oo aan cidna wax dhib ah u geysan, weerarkaasi waxa uu ahaa mid aad uga cadhaysiiyay muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay oo dunida guudkeeda jooga, waxaana uu ahaa weerar gardarro ah oo aan geedna loogu soo gaban, waxa uu ahaa weerar lagu tijaabinayay Quwada Shacbiga iyo Xukuumada Somaliland.

Qof kasta oo Somalilander ahi waxa uu is waydiiyay sababta weerarkaas bahalnimo dalkeena loogu soo qaaday, yaynu danbi ka galnay, maxaase la inoo soo weerar ayaa qof kastaa is weydiiyay, waxaa markiiba loo hawl galay in geed dheer iyo geed gaabanba loo fuulo sidii cadaalada loo horkeeni lahaa kuwii dhagartaas geystay, iyada oo sidoo kalana Xukuumad iyo Shacaba loo guntaday sidii aan mar kale dalkeena hooyo weerar gaadmo ah oo danbe loogu soo qaadin, la iskana caabiyo cid kasta oo khatar ku ah Amaanka Qarankeena.

Hadaba iyada oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu maanka ku hayo Waajibka ka saaran Ilaalinta Nabadgelyda Qaranka, ayaa markii uu Talada Wadanka Qabtay waxa uu Barnaamujkiisa Siyaasadeed Muhiimada Koowaad siiyay Ilaalinta Amaanka iyo Tayaynta Laamaha kala duwan ee u xilsaaran ilaalinta Nabadgelyda sida Ciidamada Qaranka, Ciidamada Booliska, Ciidamada Badda, Ciidamada Asluubta, Ciidamada Socdaalka iyo Ciidamada Sirdoonka. Madaxweynuhu waxa uu Amar ku bixiyay in dib u eegis iyo daraasad buuxda lagu sameeyo laamaha Amaanka Qaranka, lana Kordhiyo Tayo ahaan, Tiro ahaan, iyo Saanad ahaanba, waxaana Allah Mahadi haka gaadhee si Casri ah loo dhisay loona qalabeeyay Ciidamada kala duwan ee Dalkeena.

Iyada oo laga duulayo waayo aragnimadii laga helay Weerraradii gaadmada ahaa ee ay Argagixisadu ku soo qaaday Dalkeenka 29kii Oktoobar ee sanadkii 2008 waxa uu Madaxweyne Siilanyo yiqiinsaday baahida loo qabo in la helo Ciidamo Casri ah oo Tababar heer sare ah leh si degdeg ahna uga jawaabi kara xaaladaha degdega ah goob kasta iyo goor kasta oo loo baahdo, waana taas sababta keentay in la Dhiso Ciidamada Kamaandoosta ah ee Sida heerka sare ah loo tababaray ee loo yaqaan Rapid Reaction Unit ama RRU. Kuwaas oo ah Ciidan si degdeg ah uga Jawaabi kara Xaalad kasta oo adag xilli kasta oo loo baahdo. Ciidanka RRU waa ciidan ku qalabaysan Hub iyo qalab kala duwan oo loogu talo galay inay Cadawga daqiiqado yar ku Burburiyaan sidoo kalana gacanta ku dhigaan cid kasta oo isku dayda inay waxyeelo u geysato Nabada iyo Xasiloonida Qarankeena.

Ciidanka Geesiyaasha ah ee RRU waa Ciidan Maqla inaatanay Cadawgu wax maqlin, Waa Ciidan Arka intaanay Cadawgu wax Arag, waa Ciidan Dila intaanay Cadawgu wax Dilin, waana Ciidan Qarxiya intaanay Cadawgu cid ku Qarxin. Tan iyo intii la dhisay Ciidamada Khaaska ah ee RRU waxay gacanta ku soo dhigeen Cadaw tiro badan, waxaanay ka hor tageen faldanbiyeedyo aad u tiro badan, sidoo kale waxay fashiliyeen oo ay kala daadiyeen falal argagixiso oo tiro badan oo  cadawgu uu inoo maleegayay. Xukuumada Somaliland iyada oo fahamsan in Ilaalinta Amaanka Qaranka Somaliland ay tahay Muhiimadeeda koowaad, waxay sii balaadhin doontaa kor u qaadida, tayaynta iyo balaadhinta Ciidamada kala duwan ee Qarankeena si looga hor tago,  gacan bir ahna loogu qabto cid kasta oo isku soo dayda inay nabadgalyadeena waxyeellayso.

Khaladaad Ma Gali Karaan Ciidanka RRU?

Dabcan jawaabtu waa Haa, marka aad u fiirsato xaaladaha qalafsan ee kala duwan ee ay habeen iyo maalinba u taagan yihiin iyo arrimaha ay gacanta ku hayaan ee ay ku sugayaan si muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay ama ku sugan dalkeenu uu Nabadna ugu Seexan lahaa Nabadna ugu soo toosi lahaa, markaad eegto kooxaha ay dagaalka kula jiraan kuwa ay yihiin, sidoo kalana aynu ognahay in  fulayaasha nabad diidka ahi ay had iyo goor ku dhex dhuuntaan dadweynaha, ayaa markaad arrimahaas oo dhan eegto aad garan kartaa in Dab munaafaq shiday uu Muumin ku guban karo, taasoo keenta in mararka qaarkood iyaga oo cid ku raad jooga uu raadkaasi ula gali karo Guri ay dhex joogaan dad aan iyagu wax denbi ah galin, markaasna ay daruuri noqoto in dhawrka qof ee guriga jooga la wada kaxeeyo, hase yeeshee degdeg loo sii daayo loona raali galiyo cida aan wax danbi ah lahayn ama aan tuhun laga qabin. Arrintani waa mid ka dhacda dunida oo dhan, hase yeeshee ujeedada koowaad ee Ciidamadeena Amaanka iyo RRU waa sidii ay u ilaalin lahaayeen Nabadgelyada iyo xasiloonida Qarankeena iyo sidii ay u ugaadhsan lahaayeen sharwadayaasha duullaanka ku ah Xasiloonideena iyo Dawladnimadeena.

Waxaan usoo jeedinayaa Muwaadiniinta reer Somaliland inay garab iyo gaashaanba siiyaan Ciidamada Amaanka ee Dalkeenka iyo gaar ahaan Ciidamada RRU oo cadawgeena ku noqday Dhimbiil dab ah oo aanay ka seexan, Saxaafada Somaliland iyo guud ahaan laamaha Warbaahinta kala duwana waxaan ugu baaqayaa inay ka taxadiraan kana waantoobaan wax ka sheega iyo xagxagashaga ay ku hayaan ciidamada RRU taasoo cadawga farxad galinaysa.

Waad Mahadsan Tihiin

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
kaysar@europe.com

Comments are closed