|

“Ciidanka qaranku meesha ay tageen waa Somaliland, xaq ayeyna ciidanku u leeyihiin inay tagaan meel kasta oo Somaliland ah, wayna tegayaan” Gudoomiye Baashe

Hargaysa 18.Jan 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa caddeeyey in aanay mudanayaasha goluhu ansixin doonin xeer ka soo horjeeda shareecadda islaamka iyo dastuurka dalka.

baasheMd. Baashe oo saxaafadda la hadlay shalay, waxa uu sheegay inay kulan yeesheen culimada Somaliland, wadahadalna ka yeesheen qabyo-qoraalka xeerka bangiyada ganacsiga oo lagu dhaliilay inuu jidaynayo isticmaalka ribadda oo shareecada islaamku xaaraantimaysay. “Sida aad ogtihiin muddo badan ayuu xeerkani dhex yaallay golaha, markii laga doodayna waxa loo saaray guddi, waxayna guddidaas la tashatay culimada dalka, iyadoo culimaduna badheedhahooga ka dhiibtay, waanan is aragnay culimada oo waxa qudha ee laga wadahadlayey waxa uu ahaa wax ka soo horjeeda shareecada islaamka iyo dastuurka ma jirto cid samayn kartaa,” ayuu yidhi.

Waxa uu intaa ku daray; “Shacbiga reer Somaliland waxaannu u sheegaynaa in aannu Golaha Wakiilladu ansixin doonin wax ka horimanaya diinta islaamka iyo dastuurka Somaliland. Guddidu waxay keentay wixii ay ku wadahadleen culimada, waana laga akhiriyey, imminkana fasax ayuu galay goluhu oo muddo ayaannu haysanayaa, intaas wada-tashi iyo wadahadal ayaannu ka gelaynaa xeerka. Somaliland wax walba wada-tashi ayaa laga galaa, markaa cid kasta oo figrad ka dhiibanaysa xeerka bangiyada diyaar ayaannu u nahay.”

Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa sidoo kale ka hadlay sababta ay u fasaxeen mudanayaasha Golaha Wakiillada, maadaama aan la gaadhin waqtigii shaciga ahaa in la fasaxo, waxa uu yidhi; “Fasaxayagii caadiga ahaa waxa ka hadhay hal toddobaad, waxaanna bilaaban tahay diwaangelinta codbixiyeyaasha oo xildhibaanno badan ayaa ku maqan Gobolka Togdheer, mudanayaal kalena waxaannu doonaynaa inay u baxaan gobollada Sool iyo Sanaag oo ay dadka ku wacyigeliyaan diiwaangelinta, markaa sababta nagu kelliftay in aannu fasaxa golaha hore uga soo qaddino 8-daas maalmood waxa hawlaha diiwaangelinta.”

“Ciidanka qaranku meesha ay tageen waa Somaliland, xaq ayeyna ciidanku u leeyihiin inay tagaan meel kasta oo Somaliland ah, wayna tegayaan oo waa inay meel kasta oo xuduuda ah gaadhaan,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada oo sidoo kale ka hadlay xaaladda degaannada gobollada bari ee dalka.

Comments are closed