Ciidanka Qaranka Oo Dhirbaaxo Ku Dhuftay Maleeshiyo Beeleedda Suldaan Wabar Oo Soo Weeraray Deegaanka Qolujeed
Qolujeed:Feb,10,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Qaranka Somaliland eek u sugan Aaggaga Galbeedka Dalka ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay Xubno katirsan Maleeshiyo Beeleedda Suldaan Wabar oo goor dhaweyd Weerar gaadmo ah kusoo qaaday Fadhiisimo ay ku lahaayeen Deegaanka Qolujeed ee Gobolka Awdal.
Sida ay wararku sheegayaan mid kamid ahaa Maleeshiyada, ayaa la sheegayaa inuu ku geeriyooday, iyadoo sidoo kalena warku intaas ku daray inuu askari ka tirsanaa Ciidanka qaranku uu ku dhaawacmay, waxana la caydhsaday Maleeshiyadii Goobta soo gashay.
Ciidamada Qaranka, ayaa maleeshiyada kaga soo hadhay Gudaha Ethiopia, waxana halkaas la geeyey Tiro kale oo ciidan ah, kuwaas la filayo inay Weerarro kale ku qaadi doonaan Goobaha Maleeshiyadan looga Shakisan yahay.
Waa Markii ugu horraysay Ee Maleeshiyada Suldaan Wabar weerar fool ka fool ah la galaan Ciidanka Qaranka, waxana shirar ku jira Saraakiisha Ammaanka iyo kuwa Ciidanka Qaranka ee Jiiddaas ku sugan, iyadoo la filayo in dhawaan La Qaado Tallaabooyin wax lagaga qabanayo Gardarrada Maleeshiyadani ku hayso Deggenaanshaha Dalka.
SDN/QJ
Somalidiasporanews.com