|

Ciidanka Qaranka ee Yemen oo La Wareegay Magaalooyinka Muhiimka ah ee Gobolka Shabwa

Shabwa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka soo baxaya dalka Yaman ayaa sheegaya in ciidamada qaranka dalkaasi ay la wareegeen magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka Shabwa, iyagoo taageero ka helaya Askar maraykanka iyo ciidamada ka socda dalka Imaaraadka Carabta.

Hase yeeshee wararku waxa ay intaasi ku darayaan in maleeshiyada Al-qaacida ee gobolkaasi ku sugnaa ay iskaga baxeen, iyagoo aan samayn wax iska cabin ah, taas oo ay u baxsadeen dhulka Buuralayda ah ee ku dhaw dalka Sacuudiga.

 

Geesta kale, waxa ay noqonaysaa markii u horaysay ee gobolka Shabwa ee koonfurta dalkaasi uu ku dhaco gacanta xukuumada Yaman, iyadoo gobolkaasi ay ka talin jireen ururka Al-qaacida labadii sanadood ee u dambeeyey, isagoo ah gobolkaasi ka ugu dhaqaale badan dalka Yaman.

Comments are closed