|

Ciidanka Qaranka ee Ciraaq oo Xoog kula wareegay Magaaladda Xawiija oo ahayd Magaaladii u Danbaysay ee Ururka Daacish ay ka talin Jireen

Baghdad 06. October 2017 (SDN/QJ):- War rasmi ah oo kasoo baxay  Ciidamada Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in ay Xoog kula wareegeen Magaalada Xawiija iyo Tuulooyinka ku Hareeraysan kadib markii ay Weeraro Cir iyo Dhul ah ku qaadeen kooxaha Daacishka oo Hore u Haystay Deegaankaasi.

Afhayeen u hadlay Ciidamada qaranka Dalkaasi General Cabdul Amiir waxa uu intaasi kudaray in Magaalada Xawiija ahayd Goobtii ugu dambaysay ee ay Ciidamada Daacishku ka Haysteen Ciraaq, iyada oo Xoraynteeda ay qayb xoog leh ka qaateen Diyaaradaha Isbahaysiga Maraykanku Hogaamiyo iyo Maleeshiyaad Shiico ah oo Taageero ka helaya Iran.

 

Geesta kale Magaalada Hawiija ayaa aad ugu dhaw Magaaada Shiidaalka ku Hodanka ah ee Kir-kuuk, Taas oo ay haysteen Ciidamada Daacishku ilaa iyo 2014.

Comments are closed