|

Ciidanka Itoobiya Oo Xabsiga U Taxaabay Suldaanka Guud Ee Beesha Habar-Yoonis

Gaashaamo (QJ/SDN) – Ciidanka Itoobiya ayaa la sheegay inay shalay gelinkii dambe ka kaxaysteen Suldaanka Guud ee beelaha Habar Yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani iyo odayaal  kale  tuuladda Guba-daalaco oo qiyaas 17km ah dhanka koonfureed ka kulaalaysa xadka Somaliland iyo itoobiya, kana tirsan degmadda Gaashaamo ee gobolka Jarar ee kililka shanaad ee Itoobiya, halkaas oo ay u joogeen xalinta arrin la xidhiidhay dad waxyeelo kala gaadhay oo ka mid ah bulshada uu suldaanka u yahay ee kala degan Itoobiya iyo Somaliland.

XIRSI QANI

Qof goob jooge ah oo ku sugan tuulada maanyare oo 5 km u jirta tuuladaasi Guba-daalaco  ayaa Warbaahinta u sheegay in habeen hore  ay saqdii dhexe tuuladda Daalaco yimaadeen askar ka tirsan ciidanka  Itoobiya, halkaas oo ay Suldaanka iyo duqay badan oo kale oo halkaa u fadhiyay soo afjaridda xiisad dad ehel ah dhex martay ay kaxaysteen.

Warku wuxuu intaa ku daray in markii hore ay  askartaasi u sheegeen Suldaanka in ay rabaan baabuurtooda inay kaxaystaan. Xogahaasi waxay intaa ku ladheen in Suldaanku yidhi kaxaysta, balse haddana ay amreen in suldaanka iyo odayaasha iyo baabuurtooduba  u raacaan dhanka Gaashaamo, isla markaana uu Suldaanku aqbalay, balse ay dadkii deegaanku ka biyo diideen go,aankaa, isla markaana ay dhacday rasaas aan dhibaato gaysani.

Sheekada warkani waxa kale oo ay sheegaysaa  in rasaastaasi sababtay in askartii ay ka tagaan halkaa, oo ay ku laabteen Gaashaamo. Hase yeeshee ay shalay ku soo laabteen aaggaa iyagoo wata cudud milateri oo ka roon tii hore, isla markaana ay markii hore sheegeen inay doonayaan laba askari oo rasaastii habeenimaddii ka ambaday ciidankooda, kuwaasoo la helay kuna biiray saaxiibadood. Laakiin ay markii dambe Suldaanka waydiiyeen inuu keeno raggii rasaasta ku riday iyo qoryahoodii, odayaasha deegaankuna ay u sheegeen inay iyagu weerareen habeenimo Salaadiin iyo odayaal  xaajo u fadhiya, isla markaana aanuu jirin ciidan abaabulan oo deegaankaa ahi, balse ay shacabku ka xanaaqeen mirista loo gaystay salaadiintooda.

Ugu danbeyntii, ciidanka Itoobiya ayaa tuuladda Daalaco waxay ka kaxaysteen Suldaan Maxamed Xirsi Qani iyo todoba oday oo kale, halkaana laga saaray gaadhi ciidan, gaadhigiisiina yaalo Daalaco, isla markaana waxa  la sheegay inay xalay fiidkii gaadheen magaaladda Gaashaamo.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan illaa hadda wax war ah oo kasoo baxaya xadhiga Suldaanka iyo cid ka hadashay toona.

Comments are closed