Ciidanka Israa’il oo Xabsiga Dhigay 23 Dhallinyaro Falastiiniyiin ah oo Daanta Galbeed laga soo qabtay
Gaza 03. October 2017 (SDN/QJ):- Ciidamadda Israa’iil ayaa Xabsiga dhigay saddex iyo labaatan dhalinyaro falasdiiniyiin ah, kuwaasi oo ay ka qabqabteen Daanta Galbeed ee dhulka falastiin.
Wakaalada Wararka Falasdiiniyiinta ayaa waxay sheegtey inay ku jiraan Saxafiyiin dhalin yarada ay ciidanka Israa’iil ku xidh xidheen Daanta Galbeed.
Warfidiyeenadu waxay sheegeen in saxafiyiinta la xidhay oo laba saxafiya midkood lagu magacaabo Calaa Addiidi kaasi oo ay ciidanka Israa’iil ka soo qabteen Gurigiisa oo ku yaala woqooyiga magaalada khaliil, iyada oo saxafiga labaadna lagu magacaabo Amir abu Ciraam kaasi oo isna laga soo xidhay Gurigiisa oo ku yaala woqooyi Galbeedka ee magaalada Raamalaah.