Ciidanka Israa’il oo Toogasho ku Dilay Nin Falastiini ah oo Baabuur Jiidhsiiyey Ciidanka Yuhuuda
Gaza 12. July 2017 (SDN/QJ):- Ciidanka Israa’iil ayaa toogasho ku diley nin Falastiini ah oo baabuur jiidhsiiyey askar Yuhuud ahaa, Shilkan ayaa ka dhacay Daanta bari ee Falastiin. ninkani wuxuu dhaawacay askari Israa’iili ah ka hor intii aan isagana toogasho lagu dilin.
Afhayeen u hadlay ciidank israa’iil ayaa sheegay inuu ninkani baabuurka markii hore jiidhsiiyey askarta, ka dibna uu gaadhiga ka soo degay isaga oo midi sita, markaana la toogtay.
Wakaalada wararka Falastiiniyiinta ee la yidhaa Maan ayaa baahisay in ninkan la aqoonsady oo ay da’diisu ahayd 24 jir oo ku noolaa daanta bari gaar ahaan deegaanka Tuqu.
Xarunta gargaarka deg-dega ee Ciidanka Israa’iil ayaa iyana dhinaceeda sheegtay in weerarkaasi lagu dhaawacay askari Yuhuudi ah oo da’diisa ahayd 20 jir laguna daweynayo cisbitaal ku yaala magaalada Juurisalaam. Tan iyo sannadkii 2015 waxa qulqulatooyin ka dhex jiray Israal’iil iyo Falastiiniyiinta ku naf waayey 250 Falastiiniyiin ah iyo 42 Yuhuud ah. Falastiiniyiinta ayaa ku doodaya in xuddunta khilaafku yahay inay Israa’iil haysato dhulkoodii.
Israa’iil ayaa inta badan ku eedaysa siyaasiyiinta iyo hogaamiyeyaasha Falastiiniyiintu inay lug weyn ku leeyihiin kicinta dadka weerarada soo qadaya. Isku dhacydan ugu dambeeyey ee u dhexeeyey Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta ayaa yimid ka dib markii uu wasiirka Sirdoonka Israa’iil uu sheegay in la dhisayo dhismayaal shan ka kooban oo ku dhegan dawlada hoose ee Juurisalaam, sidoo kale dhulkaada la barakiciyo Falastiiniyiin gaadhay boqol kun oo qof.