|

Ciidanka Illaalada Villa Somlia Oo Saaka Degmada Warta Nabadda ku Waabariistay Dad Dhallinyaro ahna Soo Qabqabtay

Muqdisho:05-March-2014(SDN)-Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Villa Somalia ayaa Saaka Aroortii hore  Baadhitaano ka Fuliyey Goobo ku yaalla Xaafadda Warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho.

hawDad ku Sugan Goobaha Hawlgalladu ka Dhaceen ayaa Sheegaya in Halkaasi ay Ciidanku si weyn Baadhitaano uga Fuliyeen, waxana ay Intaas ku Dareen in Goobta laga qabqabtay Tiro dad ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in howlgalka oo ay fulinayaan ilaalada madaxtooyada qaranku lagu qabtay ku dhowaad 15 qof oo dhallinyaro ah.

 

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaan wali ka hadlin howlgalka ka socda degmada Warta nabadda ee gobolka Banaadir, walow ay hore u sheegaaen in la joogtaynayo howlgallo lagu adkeynayo amniga caasimadda.

 

Ilaalada madaxtooyada ayaa xalay baacsaday gaadhi Homy ah oo doonayay inuu maro waddo ku dhow madaxtooyada oo ay hore u xidheen, kaas oo rasaas lagu riday uu ku dhaawacmay hal qof.

 

Tan iyo intii ay Kooxda Alshabaab Weerarka ka Fuliyeen Gudaha Aqalka Madaxtooyada, waxa Feejignaan iyo Taxadar badani ka Muuqdaa Ilaalada Aqalka Madaxtooyada, waxana intaas la Soo Qabqabtay Dad badan oo qaarkood xidhan yihiin qaarna la sii daayey.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed