|

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Talyaaniga oo Badbaadiyey 8 Kun oo Ruux 48 Saacadood ee u Danbeeyay

Roma 28. June 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada ilaalada xeebaha ee Dalka Talyaanigu waxa ay sheegeen in 48 saacadood ee la soo dhaafay xeebaha dalka liibiya laga soo badbaadiyey illaa 8 kun oo ruux oo doonayey inay u soo talaabaan dhanka qaaradda yurub.

Sida uu baahiyey radio-ga Afrika-one Shalay oo salaaso ahayd talyaanigu waxay sheegeen in shalay isniintii la soo samatabixiyey ilaa 5 kun oo tahriibayaal ah oo badda midatarenian-ka ku safrayey, kuwaasoo saarnaa afar doonyood iyo tobaneeyo laashashka yaryar ah, hawlgalka samato bixintoodana ay iska kaashadeen ciidamada wadaaga ah ee ilaalada ka haya xuduudaha qaarada yurub iyo hay’ado caalami ah oo dhanka qaxootinimada ka shaqeeya.

Wasaaradda arimaha gudaha ee dalka talyaaniga ayaa iyana dhankeeda waxa ay sheegtay inay wadankeeda soo galeen dad tahriibayaal ah oo gaadahaya 73 kun oo qof tan iyo bilowgii sanadkan 2017.

Comments are closed