|

Ciidanka Galmudug Oo Xoog Ku Soo Furtay Afar Nin Oo Ajaaniib Ah

Cadaado,5Nov,2015(QJ/SDN)-Ciidanka Maamulka Galmudug, ayaa waxay xoog ku soo furteen afar nin oo ajaaniib ah, oo gacanta ugu jiray kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee ka hawlgasha Gobolada Dhexe.

Hawlgalkan, ayaa wuxuu xalay ka dhacay Magaalada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud, iyadoo afarta nin ee la soo furtay ay soo baxayaan warar sheegaaya inay u dhasheen dalka Iran.

Ciidanka Nabad Suggida Galmudug oo hawlgalkan fuliyay, ayaa ka war helay in ajaaniibtaasi lagu hayo guri ku yaala Magaalada Cadaado, iyadoona ay xalay ugu dhaqaaqeen soo furashadooda.

Wararka waxay intaa ku darayaan in Ciidanka Nabad Suggida, ay sidoo kale gacanta ku soo dhigeen laba nin oo ka tirsaneyd burcad badeeda, oo iyagu xilligaa ku sugnaa guriga.

Ragga reer Iran ee la soo furtay, ayaa waxay ka mid ahaayen 13 nin oo Iran u dhashay oo khilaaf soo kala dhex galay kooxaha burcad badeeda awadeed, ay u kala qaybsadeen. Burcad badeedu waxay isu qab qabtay ciddii gacanta ku hayn laheyd.

Sagaalka nin ee kale ee Iran u dhashay, ayaa weli gacanta ugu jira burcad badeeda, waxaana lagu hayaa miyiga Gobolka Mudug. Ajaaniibtan ayaa gacanta u galay burcad badeeda, horaantii sanadkan.

Saraakiisha Ciidanka Galmudug, ayaa waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay faah faahin ka bixiyaan afarta nin, ee lagu soo furtay hawlgalka ka dhacay Cadaado.

Comments are closed