Ciidanka Booliska Puntland oo hawlgalo Nabad Galyo iyo Cashuur ururineed bilaabay
Garowe 08.Aug (SDN) Ciidamada Booliska Puntland ayaa ka bilaabay hawlgalo degaanada Puntland kuwaasi oo la sheegay inay yihiin kuwo lagu sugayo amaanka gobollada iyo degmooyinka maadaama ay soo dhowaatay ciida Soonfur.
Shir saxaafadeed ay wadajir ah ugu qabteen magalaada Garowe maanta maasulyiinta wasaarada amniga, Booliska Puntland iyo maamulka degmada Garowe ayay uga warbixyeen hawlgaladan ka socda dhamaan deegaanada.
Col.Cabdulaahi Jaamac wasiiru dowlaha amniga Puntland ayaa ku amaanay dadweynaha sida ay ula shaqeyaan laamaha amaanka, waxana uu sheegay inay halwgaladan socda yihiin kuwo lagu adkanayo nabadgelyada Puntland.
Dhankiisa ayaa Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf taliyaha booliska Puntland uu xusay in soo qabteen dad iyo gaadiid baaritaano ku socdaan, isagoona sidoo kale u digay gaadiidka bacda madow, kuwo taarikada aan lahayn iyo kuwaan la cashuurinba.
‘Dhamaan cida la soo qabto talaabo sharciga waafaqsan baa laga qaadayaa” ayuu yiri Jaqanaf.
Habsami u socidka hawlgaladan ayaa sidoo kale waxa ka hadlay duqa degmada Garowe Cabdi Nuur Koor oo shacabka ugu baaqay inay gacana ka siiyaan Booliska hawlgalka ay wadaan.
Wasaarada amnigu waxay sheegtay inay ka wado Puntland hawlgalkan lagu sifeynayo gaadiidka iyo hubka sharci darradda ah, waxana uu socon doona muddo laba todobaad ah.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com