Ciidanka Booliska Oo Qaf Shicib Ku Toogtey Xaafada Daami Ee Magaalada Hargeysa
Hargeysa,21Aug,2015(QJ/SDN)-Mid Kamid ah Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in Xaafada Daami tacshiirad uu ku furey Baabuur uu ku dhaawacmey Qof Shicib ah oo baabuurkaasi Watey.
Ilaa iyo hada lama garanayo Sababta Askarigaasi u toogtey ninkaa Shicibka Xaafada kamid ahaa oo dhaawac culusi soo gaadhey tacshiirada Askarigu ku furey, waxaanay qaar kamid ah dadweynaha degan Xaafada Daami sheegeenin ninkaasi dhaawac culusi soo gaadhey.
Dhacdadan ayaa kusoo beegantey xili ay bulshada Somaliland maalmahan si xoog ah uga hadlayeen,dilalka Ciidanku geystaan inta badan iyadoo dhinaca kalena Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi uu Wasiir Kuxigeenka Amniga iyo Saraakiisha Ciidanka usoo jeediyay in ay is casilaan,isagoo Garyaqaan Barkhad kamid ah Siyaasiyiinta Xaafada Daami kasoo jeeda horena u ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha
Bulshada oo xilkaa iska casiley dabayaaqadii sanadkan wakhtigana katirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani.
Dhawaana xaafdaasi ka dhaceen rabshado soo noqnoqdey oo Xukuumadu u caalweyday xalintooda,wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco Qurbejoog.com/SDN