Ciidanka Booliska Oo Qabtay Dad Iibsanayay Kaadhadhka Codbixinta DAAWO
Hargaysa 06 November 2017 (SDN/QJ):-Taliska ciidanka Booliska Somaliland ayaa soo bandhigay saddex Haween ah oo iibsanaya kaadhadhka codbixinta doorashooyinka, kuwaas oo laga soo qabtay Xaafada Axmed Macalin Haruun ee magaalada Hargeysa oo dadka ku dhaqan xafadaasi kaadhadhka codbixinta kaga urursanayay inay dhaqaale siinayaan iyo Nin dadka diiwaangelinayay oo laga soo qabtay xaafada Daami.
Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle sare Faysal Xiis Jaamac oo warbaaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadkaasi ay ciidamadu Boolisku gacanta ku soo gidheen, waxaanu tilmaamay inay ku gafeen xeerka doorashooyinka, “Ciidanka Booliska Somaliland waxay gacanta ku soo dhigeen sadde eedaysane oo Dumar ah, kuwaas oo dadk Kaadhadhkoodii kaga urursanayay xaafada Axmed Macalin Haruun. Dadkaasi waxay ku gafeen Xeerka Lr/2001 ee doorashooyinka madaxtooyada iyo deegaanada, saddexdaas eedaysane waxay dadka Kaadhadhka kaga urursanayeen oo ay ku lahaayeen waxaanu idin siinaynaa Rubucyo Raashin ah oo iyo Biyo, sidaas ayay kaga urursanayeen Kaadhadhka.” Ayuu yidhi Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland Gashaanle sare Faysal Xiis
Afhayeenka ciidanka Booliska oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “ Waxay ciidanka Boolisku gacanta ku soo dhigeeen 62 Kaadh oo ah kuwii codbixiyeyaasha iyo saddexdaas eedaysane oo ku kacay falal ka dhan ah Xeerka anshaxa doorashooyinka , siday sheegeen eedaysanayaashu waxay ka shaqaynayeen xafiis ku yaala degmada Gacan-libaax, waxaanay kala shegteen Guddoomiye, xidhiidhiye iyo xubin. Sidoo kale ciidanka Boolisku wuxuu soo qabtay hal Nin oo dadka ka diiwaangelinyay xaafada Daami, kaas oo aanay ogayn Komiishanka doorashoyinku waana dambi.” Ayuu yidhi Afhayeenka ciidanka Boolisku.
Sidoo kale Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Sareeyo-guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi-doono cid kasta oo ku kacda falal ka dhan ah nabadgelyada, waxa uu yidhi “ Siday aynu ololaha doorashadu waa gabo-gabo oo si wanaagsan oo nabadgelyo ah ayaa ciidanka Booliska, Asxaabta iyo shacabigu uga hawl-galeen, waxa kale oo inagu soo kordhay khaladaad badan oo keeni kara nabadgelyadu inay khatar gasho oo ay ka mid tahay Kaadhadh la urursanayo oo laga ururinayo dadka maatada ah. Taasina nabadgelyo xumo ayay keeni kartaa, waxaan leeyahay cidii lagu qabto arrinkaa in sharciga la marin doono oo tallaabo adag laga qaadi doono.”