|

Ciidanka Booliska oo Faahfaahiyay 100 Dhallinyaro ah oo Xukuno lagu riday

Hargaysa 30.March 2014 (SDN)- Taliye Ku Xiggeenka Ciidanka Bileyska Somaliland Sareeye Guuto C/Raxmaan Liibaan Fooxle Ayaa Tafaasiil Dheeraada Ka Bixiyey 100 Dhanliyaro Ah Oo Maxkamadaha Hargaysa Iyo Gabiley Xukuno Ku Rideen.

Dhanliyaradan Ayaa Taliye Ku Xiggeenku Ku Tilmaamay In Ay Yihiin Kuwo Khal-Khal Galiyey Amaanka Xaafadaha Ku Yaala Deegaanada Laga Soo Qabstay.

Waxa Uu Intaas Ku Daray In Ay Dhanliyaradan Afartan Ka Mid Ah Lagu Soo Xukumay Gabiley Halka Lixdanka Kalena Ay Xukuntay Maxkamada Gobolka Hargaysa.

Gabagabadii Taliyuhu Waxa Uu Digniin U Diray Cid Kasta Oo Ku Foogan Nabadgalyo Daro Isagoo Xusay In Ay Talaabo Ka Qaadi Doonaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed