Ciidanka Booliska Magaalada Hargeysa Oo Toogasho Ku Dilay Wiil Dhalinyaro Maxbuus Ahaa
Hargeysa,19Jan,2016(QJ/SDN)-Ciidanka booliska saldhiga Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa ayaa goordhaweyd toogtay laba maxbuus oo dhalinyaro ahaa, iyadoona mid ka mid ah dhalinyaradaasi uu isla markiiba geeriyooday halka kii kalena uu soo gaadhay dhaawac halis ahi.
Dhalinyaradan oo ahaa maxaabiis laga keenay maxkmadda magaalada Hargeysa ayay waxay isku dayeen inay ka baxsadaan gaadhi xaajiyad ahaa oo lagaga keenay dhanka maxkamadda, kaddibna ciidamada booliska oo isku dayay inay gacanta kusoo dhigaan ayaa rasaas ku furay.
Magaca wiilka geeriyooday ayaa shabakadda Qurbejoog.Com loogu sheegay Daahir Cabdillaahi (Ina Dhakharre), halka ka dhaawaca ah aanay noo suurto galin in aanu helno magaciisa.
Toogashadan ayaa waxay ka dhacday inta u dhaxaysa Xannaanada Maxamed Mooge iyo Saldhiga Maxamed Mooge.
Qurbejoog.Com
Hargeysa,Somaliland