Ciidanka Booliska Hargeysa oo Saldhig Cusub ka Furtay Xaafada Geerash Aw Aadan
Hargeysa April 29,2012(SDN)-Wasiirku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dhinaca amniga Mudane C.laahi Abokor Cismaan ayaa xadhiga ka jiray saldhig Boolis oo laga hirgaliyey xaafadda geerash aw aadan ee magaalada hargeisa.
Munaasibaddan xadhiga lagaga jarayey saldhig cusub oo ciidamada Boolisku ay yeelan doonaan xaafadda geerish aw aadan oo ku taala waqooyiga magaalada hargeisa ayaa ugu horayn waxa ka hadlay mdashaasi odayaasha iyo wax garadka degan xaafadaasi waxaanay sheegeen in markii ay arkeen korodhka dadka iyo dhsimayaasha oo maalinba maalinta ka dembaysa sii badanaya isla markaana ay ka mid yihiin xaafadaha cusub ee kusoo biiray caasiamdda ee aan lahayn saldhig Boolis inay degaan ahaan sila qaateen in ay iskood u dhistaan saldhig Boolis, si loosii xoojiyo xaaladda dhinaca amniga ee xaafaddaasi, isla markaana ay ku wareejiyaan xukuumadda Somaliland.
Waxaanay u soo jeediyeen xukuumadda Somaliland inay dhamaystiraan baahiyaha dhiman ee gaadiidka iyo ciidanka Booliska ee saldhigaasi, iyagoo xusay in ay xaafadan tahay xaafad cusub balse aad u ballaadhan .
Taliyaha guud ee ciidamada Booliska General C/lahi Fadal Iman ayaa isna ubalan qaaday bulshada ku dhaqan xaafaddaasi inay ka haqab tiri doonaan ciidan Boolisk oo si buuxda uga hawl gala saldhigaasi cusub, waxaanu xusay in uu isagu hore u dhagax dhigay dhismahan, isagoo hogaan ah, haatana aan ku faraxxsanahay ayuu yidhi in maanta aan dhamaysatiray anigoo taliye ah, sidoo kale wuxuu soo dhaweeyey cidkasta oo gacan ka gaysatay dhismahaasi.
Wasiirku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dhinaca amniga ayaa uga mahad celiyey bulshada ku dhaqan xaafadaasi wax wada qabsiga ay sameeyeen maanta , waxaanu u ballan qaaday inuu kala qeyb qaadan doono wixii dambe ee baahi yimaada.
SDN-Hargeysa