Ciidanka Ammaanka Somaliland Oo 2-Qof U xidhay Sarkaal Meydkiisa Laga Hellay Huteel Ku Yaal Magaalada Hargeysa
Hargeysa:19-Nov-2013(SDN)-Waxa Maalintii shalay Huteel Ku Yaalla Magaaalada Caasimadda u ah Somaliland ee Hargeysa laga Helay Meydka Sarkaalkii ugu sarreeeyey Guddidda Doorashooyinka ee Degmada Ceerigaabo Maxamuud Cali Yuusuf (Shefay).
Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ilaa maalintii Axaddii ku jiray qolka oo uu ka soo bixi waayay, dabadeed shalay oo isniin ahayd la jabiyay qolka uu degenaa, looguna tegay isagoo mayd ah “dorraadbaa la sheegay inay cid ugu dambeysay dabadeed maanta ayuunbaa qolkii uu ku jiray la jabiyay oo dabadeed maydka loogu tegay” sidaasi waxa warbaahinta u sheegay dad goob joogayaal ahaa markii aarintani dhacaysay.
Hudheelka Ninkani degenaa oo magaciisa lagu sheegay Capital hotel oo nooca hurdada ah ayaa la sheegay inuu degenaa muddo, waxaana la sheegay in maydkiisa lagu arkay nabaro yar yar oo dhabarka kaga yaala oo cusub, kuwaasoo shaki abuuray.
Maydka marxuumka ayaa la dhigay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaasoo lagu baadhayo si loo hubiyo in la dilay iyo inuu Bes u dhintay, sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha Bilaysku.
Dhinaca kale Ciidanka Bilayska ayaa la sheegay inay xabsiga dhigeen laba ka mid ah Shaqaalaha hudheelka uu degenaa marxuumku, kuwaasoo loo xidhay tuhuno la xidhiidha dhimashada Ninkan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com