|

Ciidanka Ammaanka Oo Saaka Baadhitaano Guri-Guri ah Ka Wada Magaalada Garoowe iyo Sababta Keentay

Garoowe:28-Jan-2014 (SDN)-Wararka Naga soo Gaadhay Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland, ayaa sheegaya in Halkaasi Saaka Ciidamadu ka Bilaabeen Hawlgallo Ballaadhan oo aan hore loo arki jirin.

somali-puntland-garoweHawlgalkan saaka Magaaladu ku Waabariisatay ayaa lagu macneeyey inuu ka dambeeyey Dil fool xun oo Habeenkii xalay magaaladaas loogu geystay Nabadoon Caan ahaa oo maamulkaas u dhashay.

Ciidanka ammaanka ayaa la sheegayaa inay Saaka Guryaha Aqal-aqal u gelayaan, waxana jira Cabsi shacabku dareemayaan inkastoo ay Goobaha Ganacsigu ay caadi yihiin.

Habeenkii xaley ayey ahayd markii kooxo ku hubeysan bastoolado ay ku toogteen magaalada Garoowe AUN Nabadoon Maxamuud Maxamed Faarax Garaan oo ka mid ah odayaashii soo xulay wakiilada Puntland.

Nabaadoonkan ayaa caan ka ahaa guud ahaan deegannada Puntland, waxaana dilkiisa cambaareeyay maamulka iyo shacabka reer Puntland.

Lama Garanayo  sababta Keentay in Nabadoonkan lagu dilo magaalada, iyadoo waliba ammaanka magaalada la sheegay inuu xilligan meel fiican marayo, waxana jira Warwar cusub oo uu dilka Nabadoonkani soo Kordhiyey.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed