|

Ciidanka Ammaanka Kenya Oo Xabsiga Dhigay Shakhsi Lagu Tuhmayo Inuu Tababar Siinayey Kooxo ku Biiraya Al-shabaab

Nairobi:18-Nov-2013(SDN)-Ciidanka Ammaanka Dalka Kenya, gaar ahaan Deegaanka Nyeri ayaa maalintii shalay xabsiga dhigay shakhsi lagu tuhmayo inuu tababar siinayey dadka doonaya inay Al-shabaab ka mid noqdaan.

kenayboRuuxa laga shakiyay ayaa la sheegay inuu usii marsiin jiray dadka tababarka uu siiyo inay soo galaan dalka Soomaaliya oo ay ku biiraan Alshabaab.

Saraakiil ka tirsan kuwa wada baadhitaanka ruuxa laga shakisan yahay ayaa sheegay in ruuxaasi la qabtay 11 am subaxnimo ee shalay,laguna xidhay saldhiga dhexe ee ciidamada booliska ay ku leeyihiin deegaanka, laakiin markii dambe loo wareejiyay goob aan ilaa iyo iminka la cayimin.

Saraakiisha booliska ayaa sidoo kale sheegay in ruuxaasi uu ku xdhan yahay xabsi KMG ah uuna ku socda baadhitaanka ku aadan inuu xubin ka yahay ururka Alshabaab, isagoo sheegay inuu u hanjabay Imam doonayay inuu dhiso masaajid cusub.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed