|

Ciidanka Amaanka Ee Somaliland oo Heegan culus la geliyey ka dib warar shaki leh oo la helay

wwwHargeysa:28-july-2013(SDN) Guud Ahaanba waxa heegan buuxa la geliyey Ciidamada kala duwan ee Somaliland, gaar ahaan kuwa la dirira Argagixisada ee RRD-da loo yaqaano.

Heegankan ayaa ka dambeeyey ka dib markii uu sirdoonka Somaliland Helay warar hoose oo sheegaya inay ururka Al-shabaab oo maalmihii u dambeeyey weeraro ka geysanayeye somaliya uu haatan ku soo maqan yahay Somaliland.

Waxa saaka ciidamo xoogan la geeyey Goobaha muhiimka ah ee ay Hay’adaha ajaanibka ahi  degen yihiin iyo waliba Jaamacadda Hargeysa oo iyadu ah goob aad cidhiidhi ah, islamarkaana ay ku sugan yihiin inta badan Da’yartii  dalkan u soo koraysay.

Ciidamada Argagixisada la dagaalama ee RRU-da ayaa la geeyey jaamaca Hargeysa, kuwaas oo baadhitaan badan ka sameeyey, ardaydiina ku amray inay jaamacadda dibadda uga baxaan.

Sidoo kale Goobaha isgoysyada ee Suuqa caasimadda Hargeysa, ayaa la dhigay ciidan tiro badan oo baadhitaan ku haya Baabuurta maraysa waddooyinka.

Warar hoose oo kale ayaa sheegaya inay jiraan Baabuur laga iibsaday Goobaha baabuurta lagu kala iibsado ee macradada loo yaqaano oo ciddii iibsatay laga shakiyey oo la daba socdo.

Kooxaha mayalka adag eek a dagaalama K/ Somaliya, ayaa maalimihii ugu dambeeyey qaraxyo khasaare ba’an geystay ka waday Deegaanada Somalia, waxana ay haatan Somaliland warwar ka qabtaa inay mu’aamurooyinkaasi u soo tallaabaan taas oo ay taxadarkeeda haatan ku maqan tahay.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid ka tirsan xukuumadda amaba ciidamada amaanka oo ka hadashay shakiga soo galay Magaalada Hargeysa, waxana la arkayaa oo kaliya Hawl-gallada ciidan ee socda.

 

Somalidiasporanews.com

Hargeysa Somaliland.

Comments are closed