|

Ciidan ka Tirsan Booliska Somaliland oo Ku Xidhan Magaalooyinka Burco iyo Laascaanood iyo Sababaha loo Xidhay

Hargaysa 15.Aug 2014 (SDN/QJ)- Waxa xabsiga magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool lagu xidhay shan kamid ah ciidamada Tulbataariyadda, kuwaas oo ku guda jiray shaqada ay qaranka u hayaan.

 

Xadhigga askartan ayaa ka dambeeyey ka dib khilaaf dhanka shaqada ah oo soo kala dhexgalay iyaga iyo maamulka kastamka Laascaanood, kaasi oo sida la sheegay ka dhashay gaadiid laga leeyahay Puntland oo maamulka kastamka Laascaanood ku siidaayey sifo ay saluugeen ciidamada la xidhay, waxaana la sheegay in khilaafkii arrintaasi ka dhashay loo xidhay shanta askariba.

 

Dhanka kale, taliyaha qaybta booliska ee gobolka Togdheer, Gaashanle Cabdi Muuse C/Laahi, ayaa ka hadlay shan ka mid ah ciidamada booliska gobolka Togdheer oo maalintii saddexaad ku xidhan Magaalada Burco, waxaanu sheegay in askartaasi loo xidhay arrimo aanay xaq u lahayn oo ay saxaafadda kaga hadleen.

 

Taliye, Cabdi Muuse, waxa uu sheegay in askarta la xidhay, ka dib markii ay Telefiishanka HCTV mariyeen cabasho ah in guryaha ay ku jiraan ay dawladda hoose ee Burco iibinayso, waxaanu taliyuhu ku dooday in guryaha ay ku jiraan xaasaska ciidanka boolisku ka mid yihiin hantida dawladda isla-markaana tahay hanti aan boolisku si gaar gaar ah uga hadli Karin, una sheegan Karin, maadaama oo hadba askariga lagu qoro gobolka Togdheer ama Burco uu gello. Sidaasi darteedna ay qalad ahayd inay cid kale ku eedeeyaan wax aanay xaq u lahayn.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed