|

Ciidamo si gaar ah u tababaran oo la wareegay amaanka Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho 09. February 2017 (SDN/QJ):- Ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa nabad sugida Soomaaliya ayaa la wareegay amaanka madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xalay ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho.

 

Farmaajo ayaa laga soo wareejiyey guri ku yaalla agagaarka garoonka Aadan cadde oo uu degenaa maalmahan, waxaana la dejiyey goob gaar ah oo amaankiisa lagu ilaalinayo.

 

Madaxweynaha cusub ee Somalia oo xalay xilkan loo dhaariyey ayaa maalmaha soo socda xilkaas loo caleema saari doonaa, isagoo xafiiska kala wareegaya madaxweynaha xiligiisu dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud.

 

Khudbad kooban oo uu jeediyey Farmaajo ka dib markii loo dhaariyey xilka madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa waxaa uu balan-qaaday inuu si daacdnimo ah ugu shaqeyn doono ummadda, uuna boqol maalin gudahood ku sameyn doono isbedelo waaweyn.

Farmaajo ayaa u mahad celiyey xildhibaanadii codka siiyey iyo kuwii aan siininba wuxuuna ku baaqay in la midoobo, Qarankana loo wada shaqeeyo.

Dabaaldegyo waaweyn ayaa xalay hareeyey magaalada Muqdisho, Xili wadooyinku shalay haawanayeyna waxaa buux dhaafiyey dadweyne daadkii oo kale u qulqulaya kuwaasoo ku faraxsan natiijada doorashada, waxaana xusid mudan in shacabkii iyo ciidamadii dowlada ay is dhex galeen, rasaas ayaana weli la maqlayaa taasoo qeyb ka ah dabaaldega.

Comments are closed