|

Ciidamo Maraykan ah Oo La Geyn Doono Gobolka Sinaay Ee Dalka Maraykanka

Sinai:Sep,12,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Maraykanka, ayaa ku dhawaaqday inay ciidamo geyn doonto Gobolka Sinaye e Waddanka Masar si loo ilaaliyo ammaaanka Ciidamada Caalamiga ah eek u sugan Xuduuda Dalkaasi la leeyahay dhulka Reer Falaastiin ee La haysto.

gueGobalka Sinaay xaduuda u dhaxeya Gaza iyo gobalka Sinaay ee Masar ayaa waxaa ku sugan ciidamo caalami ah oo nabad illaalin kuwaasi oo halkaasi la geeyey kadib heshiiskii lagu joojiyey dagaalkii u dhaxeeyey Masar iyo Isra’iil sanadkii 1979kii.

Ciidamo gaadhaya 700 ayaa Maraykanka ka jooga sinaay waxaana todobaadkan lagu kordhiyey ciidamo horleh iyo gaadiid kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay weeraro kala kulmeen xoogaga Islaamiyiinta ah ee ka dagaalamaya gobalka Sinaay. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa duqeyn lala beegsaday ciidamadaasi waxaa Maraykanka uga dhaawacmay 4 askari.

Dowlada Masar ayaa sanadihii lasoo dhaafay dagaal xoogleh kula jirta maleeshiyaadka kacdoonka ka wada gobalka Siinaay kuwaasi oo qaarkood sheegeen inay ku biireen Al Qacida iyo ISIS.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed