Ciidamo Maraykan ah Habeenkii xalay ka soo Degey Xeebta Hobyo
Hobyo: 3-Sep-2013(SDN) –Wararka aanu ka helayno degmo-xeebeedda Hobyo, ayaa sheegaya in habeenkii xalay ay gudaha u galeen Degmadaas ciidamo ka mid ah kuwa Badda ee maraykanku, iyado aan u jeeddadoodu la caddayn.
Ciidamadan oo watay diyaaradaha qumaatiga u kaca, ayaa waxaa la socda ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug, waxaana ay hadda dhaqdhaqaaqyo ka wadaan goobaha ay joogaan budhcad-badeeda Soomaalida.
Wararkii u dambeeyay waxa ay sheegayaan in isgaadhsiinta degmada Hobyo ay xalay go’nayd, waxaana loo malaynayaa in ay jareen ciidamada Maraykanka ee ku sugan Hobyo.
Ciidamadan ayaa ka soo kacay Markab dagaal oo ku sugan badweynta Hindiya, waxaana dadka deeganka ay lee yihiin ciidamada waxa ay dadweynaha ku amreen in ay guryahooda aanay ka soo bixin.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Hobyo oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa ka walaacsan imaanshaha ciidanka ajaanibka ah ee degmadda iska soo galay ujeeddadooduna aanay caddayn.
Ma cadda ilaa hadda wax yaabaha ay u tageen ciidamadan degmada Hobyo, maadama xilliga uu yahay habeen, waxase la hubaa inay raadinayaan cid ay si gaar ah u rabaan, iyadoo Hobyo ah saldhiga ugu weyn ee Budhcad-badeedda soomaalida..
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com