|

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka tagay Gedo oo fariisin ka sameystay duleedka Kismaayo

Kismaayo, March, 08 2013 (SDN)–Wararka laga helayo ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan Magaalada Kismayo iyo Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka guurey gobolka Gedo ay gaareen degaanka Beerxaani.

Ciidamadaan oo tiradooda lagu sheegey inta u dhexeysa 150-200 ayaa ka tirsan xoogaga dowlada Federaalka ah kuwaasoo gobolka Gedo horey ugula dagaalamey kooxaha Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamadaan ayaa lagu magacaabo Cabaas Dheere kaasoo tababar ku soo qaatey dalka Kenya.

Degaanka Beerxaani oo 40KM  dhinaca garoonka diyaaradaha ka xiga magaalada Kismayo ayaa waxaa horey ugu dhuumaaleysanyey maleeshiyaad la sheegey iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab kuwaasoo ku biirey ciidamadii ka yimi Gedo.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadaan ka soo guurey gobolka Gedo ay wateen 4 gaari oo Tekniko ah iyo labo gaari oo Xamuul ah ay si nabad ah ku soo mareen inta ay soo gaarin Beerxani 14 jidgooyo oo ay leeyihiin kooxaha Al-Shabab.

Xogtaan ayaa intaas ku dareysa in dowlada Federalka Somalia wax ka ogtahay in ciidamadaas halkaas tagaan oo ay ku biiraan ciidamo la sheegey iney ka amar qaataan kuwaasoo ku sugan gudaha magaalada Kismayo.

Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya dhinaca kale in xafiiska Ra’isal wasare Saacid waraaq u qorey AMISOM iyo beesha caalamka taasoo uu kaga codsanayo in ciidamadaan ka tagey gobolka Gedo lagu biiriyo kuwa horey u joogey Kismayo.

Sarkaal ku sugan magaalada Kismayo oo diidey magaciisa ayaa GO u sheegey in ciidamada maamulka KMG ah ee gobolka Jubada Hoose maanta March 6,2013 u diyaargaroobeen iney duulaan ku qaadaan xoogaga halkaas dagey balse saraakiisha AMISOM ka hor-istaageen.

Sarakiisha AMISOM ayaa wararku sheegayaan in ay la hadlayaan ciidamadaas kuwasoo ku amrey iney dib ugu noqdaan fariisinkoodii balse wararka ayaa sheegaya iney diideen.

Saraakiisha ciidamadaan horkaceysa ayaa codsneysa iney soo galaan magaalada Kismayo iyadoo maamulka KMG ah ee Jubada Hoose ganafka ku dhuftey.

Sarkaalkaan ayaa dhinaca kale GO u sheegey in ciidankaan soo gaarey agagaarka magaalada Kismayo qorshahoodu yahay iney carqaladeeyaan in maamul ay u dhan yihiin dadka walaalaha ee wada daga deganadaas la sameeyo iyadoo dowlada Federalka wax ka ogtahay.

Diplomaasiiyiinta reer galbeedka iyo midowga Africa ee ku sugan magaalada Nairobi ayaa welwel ka muujiyey arrimahaan kasoo kordhey gobolka Jubada Hoose.

Golaha amaanka QM ayaa maalintii shaley 6 March,2013 cunaqateynta hubka ka qaadey dowlada Federaalka Somalia.

SDN-Kismaayo

Comments are closed