Ciidamo Ka Itoobiyaan Ah Oo Si Badheedh Ah Duhur Cad Magaaladda Wajaale Uga Dhex Qafaashay Nin Ganacsade Ah Iyo Ciidamada Ammaanka Oo Xabsiga Dhigtay Ninkii Ciidankaasi Soo Hagay
Wajaale 23. December 2016 (SDN/QJ):- Illaa Laba Askari oo sida la sheegay ku hubaynaa Baastoolado,Kuna Labisnaa Dirayska Ciidanka Liyuu Booliiska ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa Duhur cad ka dhex Qafaashay Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale ee Gobolka Gabiley nin Ganacsade ah oo Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Fanax,Kaasi oo marka la afduubtay ku dhex sugnaa meher ku taala Daanta Dhinaca Somaliland ee Wajaale,Waxaana ninkaasii sida la sheegay inta Kantiinad lagu dhejiyay toos loogula talaabay Dhinaca Itoobiya,iyadoo markii dambe ay goobtaasi yimaadeen Ciidanka bilayska Somaliland ee Wajaale kuwaasi oo xabsbiga dhigay Nin la sheegay inuu jaajuusay ninka la qafaashay oo isna Soomaali ah.
Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore ka helay Dhacdadan ayaa iftiimiyay in Labadan Askari ee ninka ganacsade ah ka qafaashay Daanta Somaliland ee Magaaladda Wajaale ay wateen Gaadhi Bajaaj ah,kaasi sida la sheegay ay kala soo talaabeen Meel suqduud ah oo ka soo dhex baxda Dooxa ama Toga biyo mareenka ah ee kala qaybiyay Labada Dal ee Somaliland iyo Itoobiya,iyadoo sida la sheegay uu hagayay nin Soomaali ah oo ka shaqaysta Magaaladda Wajaale oo Dilaal ah,kaasi si toos ah ugu soo hogaamiyay labadaasi askari halka uu ninkaasi ka joogay Magaalada Wajaale oo goob Bakhaar ah ahayd,Waxa ay wararku intaasi ku dareen in markii ay Labadii Askari soo gaadheen Goobtii uu ninkaasi ku sugnaa ay ka degeen Bajaajtii dabadeedna uu mid ka mid ahi ku qabtay baastoolad balse uu ninkaasi la qafaashay isku dayay inuu naf xarbigii ka fakado balse sida la sheegay waxa iskugu dhuftay kii kale oo markii uu dhacayna ku dhuujiyay Katiinad uu sitay,sidaana waxay xoog ku saareen Bajaajtii waxaanay ula talaabeen Dhinaca daanta Itoobiya iyagoo ka noqday halkii ay markii hore ka soo talaabeen oo meel suqduud ah ahayd.
Qaarka tirsan Ciidanka Bilayska Somaliland oo uu hogaaminayo Taliyaha Sirdoonka Wajaale ayaa inyar kadib goobta yimid,waxa ay baadhis ku sameeyeen dadkii goobtaasi ku sugnaa,Waxaanay markii dambe ka kaxaysteen nin Soomaali ah oo la sheegay inuu ahaa ninkii soo hagay Ciidanka Itoobiyaanka ah,ee basaasay ninka la qafaashay,waxaana ninkaas loo dhaadhiciyay Saldhiga Magaalada Wajaale oo uu illaa shalay ku xidhnaa,iyadoo sidoo kalena arintaasi loo soo gudbiyay Dhinaca Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland. Ganacsatada Reer Wajaale ayay dhacdadani ku noqotay mid layaableh oo cabsi badan ku abuurtay,iyagoo wax badan iska waydiiyay sida kalsoonida leh ee ay Labadaasi Askari iyagoo hubaysan ay ugu soo talaabeen dal kale oo ay Falka noocaasi ah uga fuliyeen.
Lama garanayo sababta dhabta ah ee ay Ciidanka Itoobiyaanka ahi u kaxaysteen ninkaasi, balse warar lagu kalsoon yahay ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyay in ninkaasi loo haysto arin ciidan oo sida la sheegay uu hore uga tirsanaan jiray Ciidanka Liyuu Booliiska Soomaalida Itoobiya,dabadeedna uu iska Ruqseeyay oo uu dhawr sanaba ku dhex sugnaa Somaliland oo uu naftiisa ula soo cararay.Labadan nin isbasaasay ee midna Somaliland xidhay,kalena ay qafaalatay Itoobiya ayaa sida la sheegay ka soo wada jeeda Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Nin Wajaale kusugan oo dhacdadan Wax ka ogaa oo Wargeyska Foore la hadlay ayaa waxa uu yidhi ““Waxa ay wateen Gaadhi Bajaaj Ah,Waxa ay iyagoo hubaysan ka soo talaabeen Meel suqduud ah Oo Xadka ah, Waxa Ay Xoog Ku Galeen Bakhaar,Waxaanay Ka Qafaasheen Hal Nin Oo Ganacsade Ah,Waxaanay ninkaasi ula talaabeen Dhinaca Itoobiya,lamana garanayo meel ay geeyeen iyo sida ay ka yeelayaan,Laakiin waxa la noo sheegay inuu hore uga tirsanaan jiray Ciidanka Liyuu Booliiska oo arintaasi loo haysto”.