Ciidamo Hubeysan Oo Xoog Ku Galay Dayuurad ay leedahay Shirkadda Malaysia Airlines
Hargaysa 04. June 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada amaanka Australia oo aad u hubeysan ayaa fuulay diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Malaysia Airlines oo lagu khasbay inay dibu ugu laabato Melbourne ka dib markii mid ka mid ah rakaabka diyaaradda uu isku dyayay inuu galo qolka laga hago duulimaadka diyaaradda.
Arrintaasi ayaa cabsi ku beertay rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradaasi oo ku socotay caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lumpur oo lagu waday inay ka dagto.
Diyaaradda ayaa dib ugu soo laabatay Melbourne 30 daqiiqo uun ka dib markii ay halkaa ka duushay, sida ay sheegtay shirkadda diyaaradaha Malaysia.
Ninka khalkhalka geliyay duulimaadka ayaa la sheegay inuu ahaa rakaab 25 sano jir ah oo u dhashay dalka Sri Lanka oo Arbacadii laga soo daayay xarun lagu xanaaneeyo dadka qaba xannuunada ku dhaca dhimirka oo ku taalla Melbourne, Australia.
Booliska ayaa markii hore sheegay inay dhacdadan ula dhaqmi doonaan inay tahay mid argagixiso ka hor inta aysan xaqiijinin inuu ka dambeeyay nin maskaxda looga jira.
Shirkadda Malaysia Airlines ayaa sheegtay in duulimaadkaasi Airbus A330, ay saarnaayeen 337 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaalihii diyaaradda.