Ciidamo Ethiopian ah oo Fadhiisimo Ka Samaystay Guriceel iyo Heshiis Hoose oo ay Ahlu Suna ay La Galeen
Guriceel:14-Feb-2013(SDN)-Wararka Saaka Laga Helayo ayaa sheegaya in Ciidamo Ethiopian ah o dhawaan Halkaas Gaadhay ay Fadhiisimo Hor leh ka Samaysteen Halkaas.
Shacabka Halkaas ku dhaqan ayaa sheegaya in Ciidankan ay hor kacayaan saraakiil ka Tirsan Maamulka Ahlusunna, iyadoo Halkaas Maalmo ka hor ay ciidankani kaxaysteen Xubno ka Tirsan Ururka Dawladda Ethiopia Dagaalka Kula Jira ee ONLF.
Ahlu Sunna saraakiil u hadashay ayaa sheegaysa in arrintaas ay ugu gol lahaayeen in ay ka hortagaan wax walba oo qal-qal ku haya amniga deegaanada ay ka maamulaan badhtamaha Soomaaliya.
Waxa kale oo jira Heshiis Hoose oo la Sheegayo inuu Dhex Maray Ethiopia iyo Maamulka Ahlu sunna wal Jamaaca oo ku saabsan In la Is weydaarsado wixii la iskaga Baahdo, isla-markaana la iska Kaashado waxkasta oo labada dhinac cadow u arkaan.
Waxaa sidoo kale jirta in dhowr jeer Itoobiya ay fulisay dalabyo kaga yimid AHlu Sunna oo ku aadanaa inay u soo gurmadaan waxaana ugu dambeeyay dagaalkii lagu qabtay degmada Ceel-buur inkastoo mar dambe Itoobiya iyo Ahlu Sunna ay dib kaga soo laabteen.
Ciidamada Ehiopia oo dhawaan ku Biiray Kuwa AMISOM, ayaa ku sii faafaya meelo badan oo Somalia ka mid ah, waxana Haatan jira Dhaqdhaqaaqyo cusub oo laga Yaabo inay ugu dhaqaaqaan Dhinaca Barawe oo ah meel xuddun u ah Alshabaab.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com