Ciidamo Cusub Oo Maanta Ku Soo Wajahan Garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho
Muqdisho 16. July 2017 (SDN/QJ):- Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Dalka Uganda ayaa maanta ku soo jeeda magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Ilaa 13 Sarkaal oo u dhashay dalka Uganda ayaa la qorsheeyey inay soo gaaraan Muqdisho iyaga oo ka soo bixi doona Magaalada Kampala ee dakaasi Uganda.
Waxay bedeli doonaan Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Uganda oo ku sugan Magaalada Muqdisho kuwaasoo muddo sanad ah dalka ku sugnaa.
Saraakiishaan ayaa la sheegay in ay Ciidamada Booliiska Soomaaliya kala Shaqeyn doonaan Sugida amniga dalka Soomaaliya, iyagoo siinaya tababaro iyo talooyin.
Dowlada Ugandha ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya kumanaan askari oo qeyb ka ah howlgalka milateri ee Midowga afrika uu ka wado Somalia ee AMISOM.