Ciidamo Boolis ah oo Tababar Hargaysa looga Furay
Hargaysa 08.Sep 2013 (SDN)- Taliyaha ciidanka booliska JSL Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa maanta tababar u furay sarakiil ka tirsan ciidanka booliska.
Munaasibad tababar loogu furayey 70 sarkaal oo ka mid ah ciidamada kala duwan ee Booliska, Taliyaha ciidamada booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo halkaa ka hadlay ayaa tilmaamay inay tababarkan ku qaadan doonaan xeerarka kala gadisan ee baadhista dembiyada.
Tababarkan oo ay bixinayaan saraakiil sare oo uu ka mid yahay Gaashanle Sare Yuusuf Cabdi iyo Gashanle dhexe Jaamac Xariir, waxa Taliyuhu intaa raaciyey in tababarkani aanu noqon doonin kii ugu horeeyey,iska markaasina aanu ku koobnaan doonin caasimada oo kaliya balse dhamaan saraakiisha ciidamada uu wada gaadhi doono.
Taliyaha Ciidanka Bilaysku waxa uu xusay in loo baahan yahay in Sarkaalku uu yeesho go’aan qadasho hufan isaga oo muwaadinkana xuquuqdiisa dhawraya.waayo ayuu yidhi Taliyuhu , hogaamiyaha wanaagsani waa qofka aan ku dhaqmin Eex iyo dad jeclaysi,waxa kale oo uu u soo jeediyey ka qayb galayaasha tababarka in la ilaaliyaa shafarta darajooyinka, waayo waxa darajada la idiin-siiyey ayuu yidhi taliyuhu inaad ku shaqaysaan ,dadkana ugu adeegtaan,idinkoo tababarkan ku baran doona kala danbaynta. Waxaanuu kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan inta tababarku socdo duruusta ay qaadanayaan. Waxa kale oo uu ku booriyey taliyayaasha saldhig-yada inay cadaalad ku shaqeeyaan,xeerarkana siday yihiina ay ugu dhaqmaan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com