|

Ciidamo Booliis Ah Oo La Geynayo Degmada Buurhakabo Ee Gobalka Baay

Buurhakabo April 16 2013 (SDN)— Masuuliyiinta maamulka Degmada Buurhakabo ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan Degmadaasi lageyn doono ciidamo Booliis ah oo ka shaqeeya ammaanka Magaaladaasi.

Axmed Maxamed Yuusuf Guddoomiyaha Degmada Buurhakabo ayaa usheegay Qurbejoog.com in baahi dhanka ciidanka Booliiska ay ka jirto Buurhakabo.

Wuxuu sheegay in Degmada ay joogaan kaliya ciidan Milateri,Milaterigana uusan aheyn ciidan qaadi kara dacwadaha shacabka iyo sugidda dhanka ammaanka gudaha Magaalada maadaama aysan shaqadooda aheyn.

Guddoomiyaha Degmada Buurhakaba ayaa sheegay in ciidamada Booliiska aysan weli tagin Degmada Buurhakabo tan iyo markii maamulka Dowladda ee Degmadaasi ay hanteen gacan ku haynta Buurhakabo.

Qorshaha hada socdo ayuu sheegay inuu yahay in Magaaladaasi la geeyo ciidanka Booliiska Soomaaliyeed si ay uqabtaan howlihii logu talo galay.

SDN- Buurhakabo

Comments are closed